Dowladda Kenya ayaa laga yabaa iney duqeyn xagga cirka ah u geysato magaaloyin kor u dhaafaya tobon kuwaasoo ku teedsan gobolada Jubbooyinka,Bay iyo Bokool. Si ay u dabar jaraan Wadaaddada Xarakada Al Shabaab oo iyagu mudooyinkii ugu dambeeyey halkaasi ka talinayey.
Sidoo kale Dowladda Kenya waxey baaq u dirtay dadweynaha halkaasi ku nool iney ka fogadaan goobaha ay bartilmamesadeen si ayasn ugu tabaloobin duqeemahan. Sidoo kale waxey dowladda Kenya sheegtay iney duqeemahan noqon doonaan kuwo isdaba joog ah tan iyo intii laga sifeynayo xoogaga Alshabaab degaamadaasi.
Warkan sheegaya iney dowladda Kenya duqeyn doonto magalooyinkan aynu soo sheegnay ayaa soo baxey maalin ka hor markey kala saxiixdeyn dowladda federalka Somaaliya iyo Dowladda Kenya Hishiish lagu ciribtiro maamulka Alshabaabka Jubbooyinka.
Mustafa Haji
