Carlos Dunga oo yiri Andrea Pirlo waa Brazilian dhab ah ayaa waxaa maanta iska soo daba dhacay oo warbaahinta caalamku qoreen, ragga ama ciyaartoyda u ciyaara qaramadooda laakiin u eg ama shabaho hab ciyaareed dal kale, waxaana soo qaadaneynaa ragga lagu sheegay inay gashan yihiin maaliyad qalad ah.
1- Gennaro Gattusoo waxaa uu leeyahay dhaqan iyo falsafad English ah, waayo orodkiisa, xoogiisa, xamaasadiisa, iyo wajigan xanuunka badan ee uu dadka ku fiiriyo ayaa lagu xantay inuu yahay English dhab ah, laakiin u ciyaara Talyaaniga.
2- Gervinho oo u ciyaara Arsenal una dhashay dalka Afrika Ivory Coast ayaa dhankiisa lagu sheegay inuu leeyahay dhaqan iyo hab ciyaareed Brazil ah, haba ugu darnaato magaciisa oo markaad maqasho horey kala soo boodeyso waa Brazil, halka magaciisa rasmiga ah uu yahay Gervais Yao Kouassi, xidigan meesha kaliya ee aanu ka shabihin Brazil waa timaha rastada ah oo dhaqan ahaan dalkaasi looga danbeeyo dumarka.
3- Javier Zanetti oo u dhashay Argentin ahna kabtanka kooxda Inter ayaa lagu tilmaamay nin 100% shabaha Jarmal, marka laga fiiriyo meelo badan, oo laga soo qaatay edebta, dadaalkiisa kubadeed ee aan dhamaan, xirfadiisa uu aaminsanyahay una shaqeeya sida mashiinka oo kale iyo tan ugu muhiimsan oo ah badi ama halagaa badiyo 100 soo bandhig xirfadaada.
4- Zlatan Ibrahimovich oo lala helay marki lagu tilmaamay nin Talyaani ah oo aan meelna uga ekeyn Swedish, waayo marka la fiiriyo, hab dhaqankiisa kibirka, jeestada, afxumada, iyo timaha madow intaba waaa dhaqan Talyaani, halka ay dadka Swedishka ahi intaasiba lahayn.
5- Ramires, oo u dhashay Brazil una ciyaara Chelsea ayaa la yiri kani waa English buuxa waayo maba laha wadno daala oo isagoo ordaya soo gala garoonka kana baxa isagoo ordaya, laakiin waxaa la yiri waa English leh farsamo aan sidaa usii badneyd oo loola jeedo dhankaa iyo Laatinka ayuu kala yimid.
6- Luca Toni ayaa lagu sheegay nin Norwegian ah, sababtan lagu yiri ayaa ah, hadii la dhihi lahaa kubada yaanan kor loo qaadin malaha Toni maba ciyaareen iyo hab ciyaareedka Norway oo ah kubado hawada mara oo madaxa lagu dagaalamo, marka Toni ayaa la yiri malaha reerkaas ayuu kasoo dhumay.
7- ugu danbeyn Mourinho ayaa la yiri war ninku waa Argetini ee ma aha Portaqiis, waayo marka la fiiriyo hab nololeedkiisa, faqriga uu kusoo koray, sida uu u kibray, hab ciyaareedkiisa tababarka oo ah badi kaliya noocey doonto ha ahaatee ayaa lala meel dhigay tababarahan weyn nin leh hab dhaqameed Argetini ah.
Z A C I I M
