Wasiirka Dalxiiska Dowladda Kenya Mr.Najib Balala ayaa sheegay iney dowladiisu wax weyn ka qabatey dhanka Amaanka kadib markii lagu afduubay afar ruux oo ajaanib ah degaanada ku teedsan xuduuda ay la wadagaan dalka Somaaliya iyo Labo qarax oo iyana ka dhacey magaalada Nairobi.
Dhacdooyinkan sida isdaba jooga ah ee ka dhacay Bilooyinkii la soo dhaafey gudaha dalka Kenya ayaa dhaawac weyn u geystay dhaqaalihii dalkaasi ka soo gali jirey dalxiiska.
Wasiirka oo ka duulaya arintaasi una xaqiijinaya dadka dalxiiska u imaan jirey dalkooda ayaa yiri Dowladda Keyna aad ayey amaanka u adkeysay waana mid haatan la isku haleen karo.
Wasiirka Najib Balaala, mar uu ka hadlay arimaha Somaaliya wuxuu yiri “dhibaatada Somaaliya ma ahan mid dowladda Kenya kaliya ku kooban ee waa mid caalami ah”.
Mustafa Haji
