ONLF Run iyo Xaq Mise Been iyo Faataadhug?

Qadiyada Ogadenia iyo Onlf waa mid ilaa xili dheer soo socotay, ilaa haatan wax xal siyaasadeed lama hayo. Dad aad ufara badan oo Soomaali ah ayey aafeysaa dhibaatada kataagan degaanadaas.Cisho walba dad baa kudhinta kuwana ku dhaawacma, badida dadkaas waa shacabka Soomaalida kunool carigaas.

Hadaba waxaa isweeydiin leh Onlf iyo dagaalkeeda ma xaq iyo waajib ayuu nagu yahay mise waa qadiyad aan lagu guuleeysan doonin? Jawaabtu waa laba mid ama xaq ayeey kufadhiyaan oo weey guuleysan ama waa guul daro iyo khasaaro aan dhamaan. Muddo aad ufara badan oo dhibaatadan taalay ayaan darsay sababaha keentay guul darada.

Marka ugu horeeysa dadka Soomaaliyeed waxay isweydiiyaan ” Onlf” oo ah Ogaden National Liberation Front yey matalaan, ama udagaalameyaan? ma dhul Ogaadeen mise dhul Soomaali oo idil kamaqan? Hadii maalin maalmaha kamid ah xoriyad timaado sida eey dooneyso jabhadu maxaa agenda ah oo uyaala mustaqbalka? ma waxay noqon doonaan dowlad gaar ah oo kamadax banaan Somaaliya iyo Ethiopia? mise Somaliya ayeey kudarsami doonaan?  waxaan kolkaa kujawaabayaa Onlf inay qadiyad khaldan tahay asaaskeeduna uu khaldanaa, dagaalka eey kula jirto Ethiopia iyo dadka Soomaalida deegaankaas waa arin dib unoqosho aad ugu baahan, waayo xaqiiqdu waxay sheegeysaa in1. jabhadda Onlf maalin qura meelna heysan karin. 2. guusha ugu weyn eey gaarto jabhadu waa mid eey kaguuleysato Soomaalida deegaankaas. 3. Khilaaf daakhili ah oo jabhadda dhaxyaal oo joogta ah (khilaaf qabyaaladeed) 4. Jabhadda oo wax nabad ah marnaba aan ogaleyn. 5. Jabhaddu,  waxay aaminsantahay in  magaca isticmaar  ubixiyey markaana  lamma badali karo. 6. Jabhaddu magaca Onlf kolkeey labaxday umaddaha ladagan meysan tixgelin, umana baneyn ra’yigooda, argatidooda inay kaga qeybqaataan.

Kolkaa hadynu sii wadno waxaan soo tixi karnaa sababo kale oo fara badan, qofka caaqilka ah  ee arka uusan yeeli karin ama maskaxdiisu diideyso. Markaa waxaan ku oran lahaa inay Onlftu joojiso dagaalka dadka Soomaaliyeed eey kuleynayso, codsato nabad, laqaybsato umadaha Ethiopia kunool ilaa laga helayo xal loo wada dhanyahay. Ama dagaalkooda dadka Soomaliyeed eey kulaayaan ha iska wadaan, dibadahana dhaantadooda iyo heesohoodaa iskawataan, ayagoo lacag kaga guranaya umadda aan xaqiiqda lasocon, daacadda ah ee qurba joogtada.

 

N.Gardaro

9 Jawaabood

  1. Kuwa kume says:

    Anigoo ah aqrisade wayn waxaan hambalyo ujeedinayaa qoraaga way ee N . Gardaro meel walba uu aduunkan ka joogo waxaan leeyahay qoraa dad mudo aan dhawayn seexday ayaad soo toosinaysaa lakiin waxaan aad ugu sii farxi lahaa in ay bal wax ka fahansan yihiin. Jabhadu haday dad difaacayso iyo haday dhul difaacayso laakiin aniga fikrad ahaan waxaan qabaa inay tahay laf ogaadeenka ka mida waxa layiraahdo O N L F oo ay u isticmaalaan sida N G O oo kale maxaa yeelay u maleen maayo hadii ogaadeen oo dhan uu yahay O N L F in maanta ay Ethiopia hor is taagi laheed ee laakiin iyagaa dhawr waji u kala baxa markaa waxaan leeyahay reerku dib ha isugu noqdo. Waxaan mar labaad u mahad noqayaa baraarujinta uu keenay ninka odayga ama qoraaga. N Gardaro waxaana leeyahay halkaa ka wad baaraarujinta .

    By : kuwakume

  2. sucaad says:

    n gardaro hadii aan hadalkaada qaadan lahayn ama aan kuu jawaabi lahayn magac xumidada ayaanu ka yaqyaqsaneynaa markaa huuno afkaada ha ku soo taagin onlf mana gaari kartid
    guul iyo gobanimo ogaadeeniyaaaaaaaaaaaaaa for ever ninka kale ee la yiraahdo kuwa kume adiguna raaciyadiisa baad tahay hadii ad leedahay caqli iyo maskax fiyow maad dhahdeen sidaa . allow jebi tirgeega iyo daboqoodhigaba iyaga iyo jaalkooda allow jebi calool dibiyada ciqaab aduunyo wey arki tu aaqirana wow dambeyn insha allah

  3. ONLF says:

    SAlaan ka dib……..Somali ka waantoobi meeyso qabyaalada…..ninkan qoraaga wuxuu nagu dhiira galinayaa in aan la’la dagaalamin Ethiopia….. waana arin aan ka gadmaneeynin shacabka reer Ogadenia in xabada laga istaajiyo cadowga ilaa uu ka ogolaanaya xuquuqdeena oo ah aaya ka tashiga somalida Ogadenia……waxaa tiri ONLF waa qabiil ku jirta dagaal aan laga guuleeysaneeynin………Haduu ku dhibayo magaca Ogadenia oo aad sheekaneeysid deegaanka,maxaad ugu dagaalami weeydeen magaca aad doontaan oo xabada hal meel aan ugu wada tuuri la’nahay……taas waxaad ka doorbideen in aad caga jiidaan ONLF,dacaayadeeysaan,ku eedeeysaan qabyaalad iyo eed aan dhamaad leheeyn…….waxaan kula talin lahaa ninkii somali ah oo un asab sheekta Ogadenia ama dhalasho ahaan ama deegaan ahaan in uu ka qeeybqaato magaca uu doonana ku dagaalamo laakiin xabada lagu ridaa abbysinia ee ma’aha in aad anaka oo somali oo u halgameeyna dhul eey somali oo dhan sheegan karto in aad na mijixaabisaan xaq ma’aha

  4. fiiq says:

    onlf waa guleysaneysaa oo malaze isugubu wuxuu ahaa jabhad marka egan tigreega ah waa la xorowi oo onlf waa ka xoreyneysaa dhulka ogadenya oo dhan.

  5. darwiish says:

    As/kum marka hore aqyaarta dhamaan waan idin wada salamay,
    N.kardaro run ahaan somalida waxay ku maah maahdaa hadal aan fiirsi -
    Loo oran iyo caano aan fiiqsi loo dhamin 2 duba way kula fogaadaanoo feerahaaguu
    wax yeelaa ,Gardaro Ogadenya waa dad muhaahindin ah ama gobanimo udirir ah,nagumana cusba somali jaajuus ah ONLF insha alaah way guulaysan

  6. Fiidoow says:

    waan idin wada salamay dhamaan,gaar ahaana N. Gardaro. salaan kadib, runtii anigu waan taageersanahay hadalkan ka soo yeeray Gardaro ee figradiisa ah.waxaan ka soo jeedaa qabiilka Xamar iyo Xamar daya, wax aan ku leenahay dhulka soomalida ee ethiopia ma jiraan, hadana waxaan jeclahayin aan doowlada ethiopia la shaqeeyo oo aan siday doonto u yeelo. runtii marka aan is waydiiyo ma aan garanayo waxa arintaas igu kalifaya ,balse waxaan dhaafin waayey in aan doo nayo in aan Melez la iiga soko marin amaba aan turjubaan la iiga noqon. waxaan doonayaa in aan ka aarsado wixii na dhexmaray anagga iyo Reer Ximan iyo Xeeb, Matabaan, Ballan Balle, Guri Ceel, Dhuusa Mareeb,Gal Mudug, Hobyo Iyo dhamaan deegana ku xeeran. Marka aniga iyo dadkaas ,maanta waxaa ixiga Axmaarkaa Tigreega ah. waayo, waxaan doonayaa in aan Baa’bi’yo dadkaas oo cadow aan iyaga ahayn maba lihi maanta. markaa, waxaan rabaa Jabhada soomaalida ONLF ee ladagaalamaysa Tigreega waxaan rabaa in aan waydiiyo su’ aal ah” Soomaali ma tihiin miyaa?”? Maad rufyaan u noqotaan Tidreega sida Soomaalida idinla’ dagta dhulka iyo Soomaalida Soomaali waynta ah ee 50-Sano ka dib daba dhilifka u noqday Ethiopia-Sida Somaliland,Puntland,Hiiraan,Cabudwaaq,Banaadirland,Baay iyo Bakoolland,Gaddoland iyo Jubbaland.Runtii waxaan aamin sanahay Hadii aad u fakartaan sidda uu idiin tilmaamay N gardaro amaba aan idin tusaaleeyey in aan noqon lahaydeen dadka ay maanta ka dhagaysan lahayd waxa soomaali loogu arimin lahaa oo ay idinka idiin soo mari lahayd. Waxaan walaalayaal qoraalkan idiinku sheegayaa in xaajadaas aad ad kaysaan oo aad bal is ku daydaan in maanta wixii ka danbeeya uu cadoowgiinu noqdo kan afsoomaaliga ku hadla meel kastaba ha joogee. walaalkina uu noqdo kan Af-Axmaarka ku hadla meelkasta oo uu dunida ka joogo. waayo maanta dadka soomaalida ah cadowgoodu waa soomali kale ee ma ahaqn Axmaarka.Taas baana laydun ku haystaaye bal ogaada ONLFeey.Waxaan aad ulla yaabaa markaan taariikhda dadka Ogaadeenka ah eego, waayo, Gumaystaha xagga Badda Soomaliya ka soodaga melkasta oo uu ka soodago iyagaa la’dagaalama, Barigiina Ethiopia iyo Kenya waxay ku noqdeen Ood Jiida ah oo ku gudban dawladihii soo gali lahaa Soomaliya si ay u gumaystaan. arintaas waa in ay fahmaan qoomaiyada layiraahdo Ogaden oo soomali iyo loo kala baxaa Axmaaro iyo Kenya oo idinkuna aad qaybta wax ka qaadataan idinkoo qabiil ogaadeen ah waayo gaaladu idinka wax bay idiin ogil yihiin arintaas ha fududaysanina.

  7. Ala maxaa la is lugoyneya, runta ma la isu sheego

  8. Halimo says:

    Waxaan layaabanahay ninkaan isku sheegaaya gardaro,marka horeba magacaan waa tahay waayo waxaad been ka qortay Jabhada Xoreeynta Ogaden, waxaan ku leeyahay afkaada wasaqda ah ka daa umada u dagaalamaysa xornimada, adiga oo kale iyo kuwa kuu mahad celinaayaba waxaa tihiin daba dhilif gaalo raac ah.Ogadeya way xoroobiyee xaabo guroow xageed gali.Magaca ayaad kaxuntahay waayo waxaan umaleeynayaa in aad tahay bartire,bartirena buuga kumayaal ee xageed ku qorantihiin, awalba ogaadeen ayaa idin soo hayn jiray hada markii xor laydin kadhigay aad ku caasiyoow deen. cadow la soo coriyay ayaad tihiin, sidaas na waxba kagama qaadeeysaan Ogadeen Waa qowmiyada Soomaaliya u shaqsiyaad ka fiican.Waxaad tihiin jidwaaq maskax da la’ oo iska dhax arkay Ogaaden.Nacaybkana waxba kuma qaadaysaan ee umada meel kafariista mooryaan aan cidna dirsan ayaad tihiin Codka Waamo waaba maafiyo daka leey xantaan tuugyahay,

  9. Interpol-Agent says:

    asc dhamaan…salan ka dib..Ninkan maqaalka qorayow..waxaan kuugu jawaabi lahaa, sidan:°…Halgan waligiiba Nina waa ka soo horjeedsadaa Nina wuu Taagera waa isaka caadi midhkaasi..Laakin waxaa soomalida u dheer Xaasidnimo iyo Cilmi Yari Iyo waliba aflagaado iyo Minjo xaabis …waxaan ka wadaa Haduu jiro dad nafi ay ku jirto oo ka dhiidhiya gumaysi..magacay doonaan may la baxaan Jabahadna samaystaan kuna dagaal galaan waa hadii dhul ka maqan yahay.ileen ONLF waa jabhadee uba daa ogaden, aaway umadi kale ma ONLF bay ka rabaan inay magac u bixiso ayagu magac ma baxsan karaan. hadaba hadalkaagu waa iska Hawo ama waxaan laga fiirsan…mida kale dee cayda sooomali baad u Tahay iska caytan maxaa yeelay Onlf dad somaliyed wax Ma yeesho lakin kuwa cadowga u dhiiba ee dhadhamo iyo qado ku raadsada waa idinka iyo dadka aad ka soo jeedaan….marka hadalku dhab kaama ahee waa dad nacayb adeer waadna mahadasan tihiin

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS