Real Madrid oo hogaanka spain sii adkeysatay

 warar kale
<CODKAWAAMO>

Horyaalka wadanka Spain ee La Liga ayaa la wareegiisii 13-aad waxaana dhacay kulamo xiisno badan 26 gool ayaa la iska dhaliyey iyadoo 5 ka mid ah hal ciyaar la iska dhaliyey goolashaasi.
Real oo hogaanka sii dheeraysatey & Barcelona oo afka ciida loo darey
Kooxda Barcelona oo lagu tilmaamo boqortooyada kubada cagta aduunka xiligan ayaa guuldaro aanay liqi karin oo ilmo ka keentey laacibinteeda waxaa gorada u galisey kooxda Getafe ee ay iska leedahay shirkada Royal Emirates Group ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Barcelona oo maalinimada beri oo 29-ka bishan November ku beegan tahay sanad guuradeedii 111 waxaa dhulka ku jiiday koox ay ka facweyn tahay 46 sano isla markaana dhaqaale ahaan iyo ciyaartoy ahaan aad uga wanaagsan tahay, waxaana guuldareedani ay ka dhigan tahay in lix dhibcood ay ka hoos martey kooxda Real Madrid oo uu ka dhex aloosan yahay xifaaltan dhanka kubada cagta ah oo aad u xoogan.
Ciyaaryahan Juan Valera Espín oo daafaca iyo difaaca dhexe labada uga ciyaara kooxda Getafe ayaa goolka kaliya ee kulankaasi lagu garaacay Barcelona dhaliyey waana goolkiisii ugu horeeyey ee uu u dhaliyo kooxdiisa oo uu ku soo biiray sanadkan 2011 isla markaana uu u saftey 11 kulan oo kaliya.

Goolhayaha kooxda Getafe Miguel Moya ayey habeenkaasi u aheyd habeen aad u mashquul badneyd isla markaana uu u babac dhigay weerar kasta & kubad kasta oo ka timaada laacibiinta kooxda Barcelona, isagoo si la yaab leh u badbaadiyey kubado ka yimid David Villa,Messi & Alexis Sanchez.

Guuladarada wiilasha Josep Guardiola kala kulmeen garoonka Colliseum Alfonso Perez ee kooxda Getafe waa tii labaad ee ka soo gaarta horyaalka La Liga-ha waxaana laba todobaad ka dib ay tagi doonaan garoonka Bernabéu oo ay isku qaabili doonaan kooxda Real Madrid oo ciil iyo caro ay isku qabaan.
Real Madrid oo sii dheeraysatey hogaaminta horyaalka Spain
Laba gool ku laad oo uu dhaliyey ciyaaryahanka Cristian Ronaldo ayna sadex & afar ka dhigeen Gonzalo Higuain iyo Angel Di Maria ayaa guul waxtar leh u horseeday kooxda Real Madrid oo guushani u tahay tii 13-aad oo xiriir ah dhamaan tartamada isla markaana siineysa 34 dhibcood oo nafiid ah oo lix ka horeeyaan kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.
Inkastoo Real Madrid oo ku ciyaareysay gurgeeda Santiago Benabue lagaga naxsadey gool hadana qalad uu ku galey goolhaye Thibaut Courtois oo kooxda Chelsea ka mid ah balse amaah ula jooga Atletico Madrid weeraryahanka Higuain ayaa siiyey kooxda martida loo ahaa goolka barbardhaca oo uu dhaliyey Ronalado.

Ciyaaryhan  Adrian Lopez ayaa goolka furitaanka ciyaarta u saxiixay kooxdiisa Atletico Madrid oo goolkan uu u noqonayo kiisii lixaad 12 kulan oo uu u saftey kooxdiisa oo uu ku soo biiray sanadkan 2011.
Goolhaye Courtois isla markiiba banaanka ayaa loo saarey ka dib markii kaarka cas (red card) loo taagey qaladaasi awgiis, waxaana taasi ay furtey dariiq ay Real ku raadsato guul wax ku ool u aheyd.
Atletico Madrid waxay ku haminaysan inay guul kala hoyoto garoonka Real iyadoo doonaysan in ay meesha ka saarto 12 sano oo aysan ka guuleysan kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee xifaaltanka dhanka darisnimada kubada cagta ah uu ka dhaxeeyo.
Mar kale ayaa difaaca Atletico Diego Godin wuxuu qalad ku galey ciyaaryahan Higuain iyadoo sidaasi kooxda martida aheyd ay ku noqdeen 9 nin waana taasi mida keentey inay isku koobaan difaac inay galaan oo aanay wax weerar ah ku qaadin Real oo gurigeeda joogta afar goolna heshay.
Kulamada kale ee sabtidii & axadii ee Liga
Rayo Vallecano 1-2 Valencia FC oo ku kulmay Stadio Vallecas ee kooxda Rayo ee magaalada Madrid
Real Betis 2-3 Real Sociedad oo ku ciyaaray Stadia Benito Villmarin ee kooxda Betis ee magaalada Seville.
Levante 4-0 Sport Gijon oo isku arkey garoonka Ciudad De Valencia ee kooxds Levante ee magaalada Valencia.
Mallorca 2-1 Racing Santander oo isku garaacay garoonka Iberostar  ee kooxda Mallorca ee Jasiirada Palma de Mallorca.
Athletic Bilbao 0-1 Granada oo isku hirdiyey garoonka San Mames ee magaalada Bilbao
Real Zaragoza 0-1 Sevilla oo isku gacan qaaday garoonka Ramón Sánchez Pizjuán ee magaalada Sevilla
Gool dhalinta Horyaalka Spain
Cristian Ronaldo Real Madrid 16 gool
Lionel Messi Barcelona 15 gool
Gonzalo Higuain Real Madrid 12 gool
Roberto Saldado Valencia 8 gool
Radamel Falcao Atletico Madrid 7 gool
Karim Benzema Real Madrid 6 gool
Cesc Febregas (Barcelina), Fernando Llorent (Athletic Bilba0), Adrian (Athletic Bilbao) min 5 gool.
Kala Horeynta kooxaha
P
GD     PTS
1
Real Madrid
13
36
34
2
Barcelona
13
31
28
3
Valencia
13
8
27
4
Levante
13
11
26
5
Sevilla
13
3
21
6
Malaga
12
0
20
7
Osasuna
13
-9
18
8
Athletic Bilbao
13
3
17
9
Espanyol
13
-5
17
10
Rayo Vallecano
13
0
16
11
Atletico Madrid
13
-2
16
12
Villarreal
12
-7
14
13
Getafe
13
-5
13
14
Real Betis
13
-7
13
15
Mallorca
12
-7
13
16
Granada
12
-7
12
17
Real Sociedad
13
-8
12
18
Sporting Gijon
13
-9
12
19
Real Zaragoza
13
-15
10
20
Racing
13
-11
9
*Z A C I I M*

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS