Xukuumadii hantiwadaaga waxay Soomaaliya kudartay jaamacada carabta,1974kii. Siyaasad iyo caqli farbadan ayaa kujirtay taladaas, waayo ree galbeedku nama caawin jirin, ruushkuna dantiisa ayuu nagu ilaashanayey. markaa waxay waagaas oo wadaniyada iyo Soomaalinimadu qiimo weyn lahayd, isugu biyo shubtay inaan carab wax uraadsano.
Wax tar iyo wanaag, hiil, iyo hooba carabi weey muujisay ilaa xiligii aan dagaalada kula jirnay itoobiya. Kolkii xukinkii Siyaad Barre dhacay ilaa iyo maanta, siyaasada dawladaha carabta weey isbadashay gaar ahaan arimaha Soomaaliya.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kusugan dalalka khaliijka, yaman, masar,liibiya, suuriya,ciraaq, iyo urdun waxay kala kulmeen, dhibaatooyin farabadan, tarxiil, iqaamad la’aan, shaqo l’aan, aflagaado, xabsi, dil, dhac iyo dhaawac waxaad isleedahay koonfur afrika yaa dhaanta.
Mar haduusan dal iyo dawlad jirin waxaad carabta agtooda katahay ”Cabd ama Cubeyd, kaxluush iyo aflagaado kale oo farabadan. Safaaradihii Soomaaliyeed ee dalalkaa kuyaalay waa awood la’aan sababtuna waa dawlad la’aan. Muddo kudhaw 21sano dhibaato mahee dheef lagama hayo, waxay kaloo carabtu faragashataa siyaasada soomaaliyeed ayagoo caqli iyo fiiro dheer la’aan tadakhul arimaha dalkeena kuwada ilaa haatan.
Soomaaliya waa dal kheyraad badan, waxaa kamid ah shidaalka, khaliijkuna ma ogala in shidaalkaas lasoo saaro waayo sicirka barmiilka shidaalka ayaa hoos udhacaya. Taasuna waxay cadeeynaysaa in wanaag uusan jirin.
Turkiya oo dal islaam ah wax tarka, iyo deeqda eey dalkeena kucaawisay yaa aad uga badan, carab waxay natartay ilaa burburkii.
Soomaali badan ayaa waxay uhaysataa carabta inaynu walaalo nahay, waa xaqiiq, waayo dad soomaali ah ayaa ku abtirsada. Laakiin taasu cudri masiinayso in carabtu nagu taagnaato anagoo kolkii horeba iskala weyni iyo uarkay inay yihiin ummad naga liidata.
N. Gardaro

