Taleex Ma Ka Badbaadi kartaa Haddimada Sokeeye

Taleex ayaa waxaa soo wajahdey xaalad adag oo ku saabsan murugga siyaasadda Dhulbahante.Maanta Taleex waxey afka u saaran tahay iney noqoto magaaladii lagu qeybsadey hilbaha Dhulbahante ama lagu kala guro lafaha qoysaska Dhulbahante

Taleex waxey nasiib u heshay in labo jeer dibadda lagaga soo duulo

A- Shirkii Barlin ka dhacey sanadkii 1886 kii, ee reer Yurub ku qeybsanayeen Africa, kabacdina noqotay meel diyaarado lala beegsado,shirkaas oo xambaarsanaa nidaam la yiraahdo Qeybi yoo Xukun.(divide and rule).

B- Duulaanka maanta oo ah mid Niman ka tagay North America iyo Europe oo wata nidaamkii ahaa qeybi oo xukun foodana usu galiyey Isimada dhexdoodii iyo shacabkiiba,oo kan diida afkaartooda ka dhigaya mid la fanteeyo ama la tokoora, kan yeelana laga dhigayo Libaax

Shirkan la rabo inuu ka dhaco Taleex wakhti aan la garaneyn oo magaciisa la yiaahdo Khayaamo 2, Kii 1aadna ahaa kii ka dhacey magaalada London kal hore. kaas oo noqday mid dhaliwaayey kadib markii 3 goor dib loo dhigay. Fikerka shirkan oo ah mid loo soo lingaxey sidii kii gumeystaha reer Yurub wateen,ahna mid xambaarsan siyaasad dibadda laga soo maleegay.

Shirkaan wuxuu lee yahay labo waji:- 1 Afkaarta ololaha lagu socodsiinayo gurista lacagta iyo ujeedada shirka laga lee yahay oo aad u kala fog.2 Xaqiiqda shirka oo la dadayo balse la huwinayo af macaan oo dadku u riyaaqayaan aanse run aheyn.

Nimankan aan kor ku soo xusney oo loo yaqaan Gacmihii Dhaadheeraa ee G6,(Long hands of G6) ee raba iney afka ooda ka saaraan Waxgaraddkii,Tallo keynkii,Indheer garadkii, Mufakiriintii,Isimadii,Siyaasiyiintii Iyo Dadkii u Oomanaa wanaaga Beesha Dhulbahante iyo waliba nafku soo celintii Laascaanood, waxaa ay la kulmi doonaan kacdoon gudaha iyo dibaddaba leh.

Waxaa kalood arkeysaa xubnihii dadka ugu firfircoonaa xagga arimaha bulshada oo leh afkayaga waanu heysaneynaa laakiinse Indhaha uun baan wax ka eegeynaa. Sidaan ognahay nimankaan shirarka ay galaan waa qarsoodi, waxeyna la xiriiraan shaqsiyaad baadi goob ugu jira iney helaan Xil,Darajo Iyo Magac.IWM.

Nimankaasi waxey u soo tafo xeyteen Xoogsi kabacdi markii ay ku hungoobeyn suuqyada shaqooyinka ay ka kala yimaadeen sida Canada,USA iyo Europe. makii dhaqaalaha aduunka hoos u dhacey laga soo bilaabo sanadii 2008kii.

Shirkaan fariisan waayey markaad Isha hoos u galiso waxaa kuu muuqanayo in Aabihii yahay Somaliland,Hooyadiina tahay Maamul Goboleed.waxaan kaloo u maleynayaa Ilmahii dhashaa shirkaan gudihiisa inuu magacyo badan la bixi doono.

Anniggu waxaan la hadlayaa waxgaradka Dhulbahante weyne ee la hadli maayo dadka hadba la jahwareeriyo ee furayaasha loo sameystay maankooda.

Waxaan Isimada Dhulbahante iyo Cuqaasha uga digayaa Dibir-rootiga lala maagan yahay Diingaraaradiisa.

Waxaan ku soo gabo gabeynayaa “War Bal Moogow Marag Ka Noqo.

By Abdirizak Dalmar

28 Jawaabood

  1. afbile says:

    Waa maqaal sida uu u muuqdo ka tarjumaya xaqiiqada ka jirta shirka Khatuma ee dhicidooona sida gor aan la garanayn…
    Ma filayo in ay G6 keeni karto xal waayo waa waxay doonayaan in ay madax isu geliyaan Dhulbahante…

  2. Ileen Garac ma quusto. Shuush kii baxyee, ee kuwee kugu shaqeysanayey quustee, adna quus baad taagan tahay. So ma aha!!!!!!!!!!!!!!!!!.

    NACAS KII LAGU SOO KORIYEY FUUD KHAANSIIR, MAANTA CIDLA BAAD JOOGTAA —SO MA AHA..

    Runsheege

  3. Ala run badanaa waa maqaal xaqiiqa. Ah waa hubaal back madow. Masada laysu galinayo sidii reer buhodle kadhacday ee layiri waakaa. Madax waynahiinii hadhoow nalooma shee gin ha odhanina. Kumintid tidal eelaa maanta laga dhaadhicin la yahay
    Qof cidla kaqaylinaya Mabixiyo darajo rabitaanka umada ayeey kutimaadaa. Iyo dawlad loo dhan yahay. Markaa qoraaga maqaalkan waxaan leeyahay ‘hakawel welin dadka filmka loo jilayo
    horay udaawadeen. Kuwo kadarana laysugu deyey. Kana waa naflacaarigii ugu danbeeyey
    wabilaahi towfiiq …..

    • SHEIKHA says:

      Waxaan salamayaa cabdi dalmar inader maskax cafimaad qabta ayaa kugu jirta wana aragtida dhabta ah ee ka jirta,nimanka aaad modid malintay schoolad ka baxeen in la xidhay school adii oo dhan oo an cid ka danbaysaa wax baran markay godar kay istaganba lagu yidhi mee dhulbahante ,ayay isa soo maqiqeen talexna waxay noqonaysaa melay ku hungobaan.
      kuwii ssc ku badhay dadka ayaa mantana u qadhamayaa oo states kii warma qabtada ahaa oo ay ka mid yihiin idaho,arizona ,new mexco, ayaa badhasho logu dhaqaqay
      wilkii dhulbahante kala dilay iyo sheikh yaxye ku waregayaan,waxaynaa radsadaan wax ma garatada markay donayaan inay badhan meel dihina yaa ugu caqli xun ayay yidhahdaan wana losoo shegaa
      wilka la yidhahdo jiqiranaa mar ka uu is yidhahdo hadal am jwaab waxa uu marwalba la ficil tamaa ama ku dhor gostaa reer buhodle,inader buhodle dadkeda la idinma wada qabee afkaga ka dayso
      magacagana shego dadku way ku wada garanayaan cira isku qarin iyo intaad iska dayso cabdilahi iyo alalagtaa

  4. Cabdinuur says:

    Marka hore waxaan jeclahay inaan salaamo qoraaga iyo shabakada Taleex ba. marka xigta, hadaan fikir ka dhiibto maqaalka, waxaan odhan lahaa Inanyohow gun baad tahayna gole lagama odhan karo hadal gobiku hasaasawdoo la gartana namaad odhan. Waxaa muuqata, in qoraagu uu yahay nin aan filayo in uu yahay qolyaha u janjeedha maamul goboleedkii la odhan jiray puntland haddase ladho maamulka waqooyi bari ama maamul beelaadka mj.

    Maxuma in ruuxu cabiro fikirkiisa laakiin waxa haboon in runta indhaha laga lalin, dadkeenu mudo ayuu jaah wareersanaa, hadana talo ayaa laysula imaan. raga sooqan qaabiyay shirkan waa rag qiimole, yaan laga dabayuusin inta ay arin si uun u dhacayso. waxaa lagu yaqaan dhulbahante in uusan nin rageedkiisa qadarin marka bal aan dhawrno raga oo yaynaan deg degin.

    Taleex mediayana waxan odhan lahaa sida aad wax baahisaan wax ka badala waayo dhex dheex matihin danaha reerkana waa in laga wada shaqeeyaa aan ceeba reerka iyo iska horkeenkiisa laga fogaadaa oo laga shaqeeyaa wxii isukeeni kara ileen dhib baa inahaysata maanta aan ladafiri karine.

  5. Darwish says:

    Nacas jahil ah, cuqdad loow ah, aan waxba qiimeyn karin, aqoon u lahayn qoraal nuxurleh naf leh isla markaana jjareer cad ku leh ayaa qoray, maha nin nasabnimo, wadaniyad, toolnimo han iyo heer sare ku jiro, waa dadka jecel hoosgal iyo horgal, ilaahay ha kaa soo qabto shacabka SSC ee doonaya magaca aodoo miidhan ayaa niyad jebinayaa waan weysa qabaa ilaahay ha ku soo qabto, meelkastana waan ku qoryaaweedhan .

  6. duulane says:

    asc had iyo jeer waxaan arkaa dad badan oo dhaliilo soo jeediya kusaabsan arimaha dhulbahante hadii wax laqabanayo hadii fekrado la isweydiiyo intaba qasabna maaha qofku inuu marwalba isagu saxan yahay hadaba waa su aale maxaad rayi heysaa adigu waxaan qabaa dadka inaan intiisa xun lasoo hormarin hadii kale waxaa layidhi dhidar xaabala qod ah qudhun buu ugadhacaa taleex guul

  7. axmed says:

    dalmaroow afkaaga caano lagu qabey. Walee G6 iyo waxay dabada ku wataan (G15) baan waxba soo kordhin. Maxaa nimanka looga xishoonayaa? maa layska celiyo? Af iyo adinba ha layskag celiyo, maadaama ay afduub doonayaan.

  8. dhulbahante says:

    G6 waa laba qolo Bahararsame iyo ugaadhyahan + mid Qayaada. dhulbantaha kalena aamini maayo, reer Buuhoodle ma doonimaayaan dad dhibaato wada, taleexna dhibaato lama iman maayaan.

  9. Allow yaa u kala warrama wax isma yeesheene says:

    As cl wr wb

    Sallaanta Islaamka ka dib, waxaan aad ugu kalsoonahay in Qormadani tahay tan dhabta ah ee jirta ayna xaqiiqda u sheegayso kuwa shar wadayaasha ah ee aan marnaba rabin in wax la qabto ama dulinimada rabba Siilaanyona yiraahda isku galaas baanu ahaynoo anagaa naqaana oo waannu iska war haynaa dagaal la’aan baanu odhanaynaa naga tag(Odayga odayaasha G6) hadalkiisa warbaahinta ku jira sida uu ku sheegay.

    Waxaanse la yaabanahay
    dadka sida caruurta loola dhaqmayo ee aan marna odhanayn beenta iyo dhaca naga daaya waannu idin ogaanaye oo hadh iyo habeen marba wax loo soo maleegayo aan wax guul ahi ka dhalanayn waxaanna u tacsiyaynayaa dadka masaakiinta ah ee qurba joogta ah ee aan waxba ogayn maalin walbana la dhacayo hantidoodiina aan odhan karin hanala xisaabtamo.Waxaan filayaa in ay caddahay in xaalku yahay (Gowskaa Gud).
    Hadal iyo dhamaantiis war dadka ha looga digo dhalanteedka iyo ceeryaamada ay waddaan kuwii ku fashilmay SSC hadana la soo baxay Kaadhka Khaatumo2, ogow waa uun shaxdii oo la bedeley awal Afarey bay ahayd haddana waa lixley waa isla wixii wuxu oo shaadh kale loo geliyey Isimadii dhulbahante ee SNM-TUku guuleysan weydey in ay u gacan galaana waxaa loo dilayaa waa sidaas.

    Guul iyo gobanimo.
    www

  10. dhoodi meer says:

    a(s(c) waxaan rabaa in aankahadlo aragtidayda waa lagadharagsanyahay g6 waxayna wadaan isku dirka dhulbahante kuse guulaysan maayaan in lariyoodo inlaseexdaa kahoraysa

  11. Said dheere says:

    salaan ka dib waxaan idin leeyahay qoladiina qora webka Taleex, ma wax gaar ah ayaa idinka laydin yeelayaa maxaad uga gubanaysaan in dhulbahante tashado oo wax isku raaxo waxy doonto ha noqotee. Tan kale ma waxaad moodaysaan in C/samad cali shire weligii madaxwayne ku xigeen ahaanayo, soow ma ogid inuu Faroole la dhacayo oo marka faroole la eryo isna raacayo. Waxaan idin oran lahaa dhulbahante inuu ina Cali shire ku khasaaray aduunkoo dhan ayaa laga og yahay ee wiilal dhalinyaro ah ayaad tihiine mustaqbalkiina ha ku xirina ninkaas shilimada urursanayo ee dhulkii dhulbahante iibiyey.
    C/samad Cali shire Kursigii dhulbahante ayuu ku fadhiyaa muxuu masuuliyadiisa uga soo bixi waayey, intuu guriga Ciise Maxamuud ka shaqayanayo. Waxaan xusuustay maah maahdii ahayd ( Midgaantu intay Gudaha Naag kale ka shaqaynayso ayaa keedu Uraa).
    C/Samad Cali shire Faroole ayuu u shaqeeyaa sanad ka dib markuu faroole dhaco wuu raacayaa insha allah. Bal markaa qoladiina webkan qorta ma la raacaysaan faroole

    wcs

  12. run sheeg iyo darwiishoow inlays xaraasho cidkaaga liidataa majirto waana ku aqaan jaahil isboonsar lagu keenay baatahay horu fadhi ayaa cuqdadiinii looga waashay puntland adigu madumin kartid kuwaad maanta cuqdada udaba joogto beribaad arki iyagoo dultaagan waxaana kaaga filan ina garaad ismaaciil markuu gaal kacyo kasoo dagay uusoo barmuudeyey 4 taayir baa ka ban jaray walaahay gorowe ayaa looga qaaday g /cabdisalaan iyo ugaas guud ee ugaasyo xafiduhulah ayaa ugeeyey waana ina gumed iyo caadadii kuwa kalana beri filo marka doorashadu soo dhowaato ..adigana waxa aan idiin sheegayaa ninkii aabihii talin jiray baatalinaya kuwan waxgaradkii dadka kacararaya oo urur sanaya qaad wale xamaal dibjir ee leh shir bay noo qaban qaabinayaan ma is waydiisay waxa wax garadka looga cararayo ma iswaydiisay ragii ugu sharafta badnaa eesoo halgamay . hadalkaa maanta aadkuhadlaysona kaakeenay haday kuwaasi taladadaada hayaan maanta maba aadan hadasheene oo waxaad noqon lahayd kabatole sulomadaw, 11 tobankaa isim iyo cheif caaqil maxamuud xaaji cumar camey ayaa ilaah kasokoow utaliya dalkan.. caga maydho oo seexo shaqaduna yay kaa habsaamin..,,,,,nin cuno raadinaya iyo nin nin ku hinaasey anaga waxaa balantayadu tahay inaan ilaalino danta guud beesha dhulbante harti daarood soomali ,, idinkuna waxa tahin kuwa uu lahadlayo ee uu leeyahay lahadli maayo,, wabilaahi tawfiiq

  13. dhoodi says:

    waxaan salaamayaa dhubahante intiisa wacan ee aan daba qoodhiga ahaayn.
    waxaan kadigayaa in taleex laga dhigo jixiimada uu dhulbahate kugubto. sidii uu horeba ugu gubtey wakhti gii gumeeystaha ingiriika.
    waxaan kula talinayaa dhubahante ingtiisa wacan in aay iskailaaliyaan shirqoolka qaawan ee lawado.waxaana iimarkhaatiya war ninka waxgaradkaaga iyo dhaqankaaga kaxishoonla mayaad wa kasugi. jawaabtu waa maya maya maya.
    waxaan qabaa in khiyaanadu kabilaabatay qabsashadii laascaanood,
    kuna xigtey sameenytii xagla toosiye.
    kuna xigtey shirkii buurawadal.
    shirkan maanta taleexna uuyahay kii udhameeylahaa dhubahate. ee dabada iskaraacin lahaa.sidii ingiriiskuba ugu dhameeyey daraawiish makuu taleex qabsaday.
    waxaan filayaa in aay doonayaan raga kala hadhi waayey dhulbahante lugooyada.
    in aay uabaalgudayaan gumeeystah cusub. una burburinayaan dhulbahante..
    si,aay meel uhesho fegrada qaldan ee snm. intaas baa lohubaaleeynayaa ee ninkii dhulbahante jeceloow lasofo ninka dhaqankaaga,ah iyo wadaniga dhabtah.

  14. mohamed says:

    Marka hore waxaan jeclahay inaan salaamo qoraaga iyo shabakada Taleex ba.
    marka xigta waxan u gud bayaa rayigeyga ku aadan Nimankaas loo bixiyay 6G. aniga waxay ila tahay dadka aqoonta leh tala reerka ha loo daayo, Cuqaasha aad hadal haysaan xagee jogaan mise Oday qayilaad raadsadey bayno caboodaynaa odayga fican waa dhageysanayna midkale waa laga tagaay wuxun la midnoqonayaa ini xaabsade.shabakada taleexna waxan leeyahay warka been abuurka ah jooji plz waxa xaqiida ahna soo gobiya
    Waa bilaahi towqiif

  15. cudhcudh says:

    waxaan salaamayaa dhamaan inta ay ka dhabtahay in dhulbahante tashado oo
    isu yimaado waxaana leeyahay dooda iyo ra,yigu ha ku koonaado oo keliya danta
    dhulbahante sidaas ayeynu guu ku gaaraynaa dee lakiin haddii qofkii hadlaba
    laga daba hadlo waan isku wareegaynaa

  16. Waran-waqooyi says:

    Annigu hulbahane ma’ihi, laakiin aqoon fiican ayaan u leeyahay reerkaas, waa dad aan ismaamuli karin, in loo taliyo mooyaane. Waa dad faan iyo qabweyne leh taasina waa calaamaadka jaahilnimada, sorry ma oran akro waa kuli laakiin waxaan oran kara intabadan.
    Hadda waxaa ku khasban tihin in aad addeecdaan M/weyneheena Mudane Maxamed Axmed Siilaanyo sababtoo ah waxaa ka mid tihiin Somaliland. Dalkan Somaliland waxaa naga dhintay kumayaal Mujaahid iyo kumayaal curyaamay markaa ma aqbalikarno in beel yar naga khasaariso xoriyadda dib-hantay oo dhiiga badan loo daadiyey. Abtiyaal dadkiina dhinac ka raaca sidaas ayaa idiin fiican haddii kale……………………………………

  17. Abdi Dheere says:

    Abdi Dalmar anaa aqaan oo nin nolosha ka dhacay, waxba yuu sawir yar igu sirin, Abdi Dalmar waxaan leeyahay “Get a life.” Homeless waliba ha yidhaahdo “sidan bay ila tahay.” Abdi Dalmar inaadeer ha isku sayixine orodoo nolol doono. Habaar waalid baad qabtaaye taada meel u hel.

  18. Wiil ssc says:

    Asc dhulbahante waxa gumeeyey waa maxamud garad, qaarna snm bay u shaqeeyan (Jama siyad) qaarka kalana waa ugaaadh oo mj bay u shaqeeyan hadan anigu adiga ahaan lahaa waan dhuuman lahaa waxba maqoreen gabdhihiiniibaa suuqa laaska maalinwalba lagutoogtaa garadkiiniina farole buu usherette marka iska xir webka oo garees sooxiro

  19. Jaamac says:

    Dalmarow, nin Dhulbahane runta u sheega waa neceb yihiin, ninka sida Xaabsade iyo lababa Jaamac been iyo dhalanteed u sheega waa daba-yacaan.
    Garaad raalli ka noqo caydaas waa GUN IYO XAALKEED.

  20. Sareer-yare says:

    AFLAGAADADA QAAWAN HA LA JOOJIYO.
    Kuwo sida bilaa qadhanka, afxumada qaawan halkan ku soo qoraya waxaad tihiin, qoraalkiina ayaa caddaynayaa sida aad uga aradantihiin akhlaaqda suubban. Abwaan Cabdi Dalmar waa mu’alafkii heesti “Laascanood” heestaas ayaa caddaynaysa halka uu kaga jiro bulshada waa halyeey dadnimo iyo saaxiibtinimo leh. waa nin dalkiisa iyo dadkiisa jecel. wax dhib ma samayn haddii uu maqaalkan soo qaoray”wuxuu ka digaya in dhib ka dhaco Taleex, wuxuu inoo sheegayaa in aan digtoonaano oo noqono dad feejig” Abwaanku waa nin heer qaran ah, waa nin Dhulbahante isugu mid yahay.

  21. Burgal says:

    Ilaa hulbahane meel cad iska saaro Bahararsame, guul gaarimaayo. G6 horta waa ayo? G6=Ssc. reerku waxay doonayaan wixii lixdankii, haddii ogtihiin… War ninman runta ha loo sheego in aysan helayn wixii awoowyadood u barteen.

  22. Wiilwaal says:

    Fariin ku socota nin aan la ciili karin laakiin isagu is-ciilay…

    lCaddowga kowaad ee Dhulbahante waa Dhulbahante , meel fog haka doonin. Bal ergo Daarood halagu dayo in ay wax qaban karto. Darood iyo Somali kale ayaa dhawrayaa shirkaas bal haddii wax lagu hawl gelikaro ka soo baxaan.
    Dhulbahantow warkiina meelo fog-fog ayaa laga sugayaa, arrinkiinu waa arrin darood, wax fudud yaan laga dhigin.

  23. Cali Farah says:

    salaan kadib cabdi dalmar waa nin nadiif Ah waana Ilaahay iyo Umadiisuba ka Amaan galaan waana nin mabda leh waxan iqiin 18sano mabda iisu isma bedbedelo mana ah nin
    caanteyn lagu kaxaysto waxana hubaa hadii uu cid aan dhulbahante Ahayn ka dhalan lahaa waa la siyaaran lahaa ama qiima weyn buu lahaan lahaa
    maad Aragtaan kulbahantaha Hoos ufoorora oo qaadka wax loogu qantay oo yar iyo weyn Damiirkii kategey ee Reer Dugii Daqashka Lulaya oo weliba happy ga ku ah
    maad Aragtid kuwa Dhoohnaan Darteed kun Hadaaqa Laascaano Baa lahaystaaye Ama Buuhoodlaa lahaystaa oo Doqonow laascaano iyo Buuhoole waa Hal iyo nirigteede maxaad kala wadaa?
    maxaad u Arkiweydey ku uhaysta in ay iyaga keliya dhulbahante
    wax ka barteen oo uhamuumaya in ay Duleed Reer neceb Gandoodsadaan dhulbahantena wada Dulfariisto mar mar baan isweydiiyaa dhulbahante wax Jira mahayne Dawladii Baa Asturaysey
    hadal iyo Dhamaan dhulbahante Mugnuun baad ku sheegtaan ninkaan Qaad idiin sidin

    Nabadey Anigu dhulbahante miihi Waxana mahad Balaadhan iska leh Alaha aan dhulbahante iga dhigin

    m

  24. Abdi says:

    Sck waxan leyay marka hore salan umada somaliywd
    waxan leyay qolda dhunihante habar iyo cay
    ayunba kaso hadhay waxan leyay war dawladina s/land
    kuiman qaba dawakhada inaga daya teda kale qolada mj
    war badu haidinku filnate maxa idin daba dhigay
    miskinkan dhunihnte endantisaba aqon
    marakibtina iska eryada

  25. geesinuur says:

    Dhulbante waxaa loogu dawgalay oday xun sida inna Cabdi xaabsade… gabay .. dad duloobey oday xun baa loogu dawgalaye’e

  26. Ala maxaad been meesha socta.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS