Xidigaha kubada cagta Soomaalida Arizona

Kooxda Az All Stars waa dhalinyarta jaaliyada dagan gobalka Arizona, kooxdan waxaa la dhisay muddo laga joogo 2 bilood. Waxay kooxdu kaqeyb qaadatay Suazo tournament oo ah amateur semi professional tournament  oo kuwa heerka sare ah lagu dhigo gobolka. Waxay taasu muujisay in kubada cagta iyo mustawaaga dhalinyarta uu aad uwanaagsanaa, muujiyeen rag tartan gali kara inay yihiin. Soomaalida kunool gobolka Arizona ayaa ayaguna muujiyey taageero, hiil iyo hooba, si wacana usoo dhaweeyey xidigaha kubada cagta Az All Stars. Qoyska codkawaamo.com ayaa lakulmay Manager ka kooxda Sharmake Shire Ali wuxuuna nosheegay,” Asaaska kooxdan waa arin muhiim ah, sababtuna waxaan dooneynaa in dhalinyarta Soomaliyeed ee gobalkan aynu kumashquulino kubad, iyo sports, iyo tartan kubadeed oo joogta ah, tasoo caawineysa dhamaan dhalinyarteena inay isaga fogaadaan waxyaabaha sharci darada ah iyo wixii lamid ah. Arintaasna waxaan kusuurto galineynaa tababar joogta ah, nidaam, iyo kaqayb qaadasho tartanada kubada cagta gobalka. Waxaana arintaa igala shaqeynaya tababaraha ama Coach Gardaro, iyo gudiga laacibiinta kooxda”. Kolkaan wareysanay Coach Gardaro wuxuu kudaray,” waxaan leenahay dhamaan daweynaha sports ka jecel taageera kooxda Az All Stars, waxaan idiin balan qaadeynaa guul inaan ukeeno Communitigeena iyo farxad isla markaana uusan sahlaneyn jidka guusha loomaro.  Arintaa waxaan kuxalineynaa tababar adag dhinacyadiisa kala duwan Physical iyo tactical. Laba kamid ah ciyaartooyda kooxda waxay u ciyaaraan jaamacadaha gobalka ayagoo khibrad fara badan nagu soo kordhiyey markaa ilaahay hana waafajiyo hadafkeena”.Kooxda waxaad kala soo xiriirtaa azallstarsfc@gmail.com 

Hassan

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS