Shalay bay aheyd markay fooda isdareyn Naadiga Kubadda Cagta Somaalida Arizona, Az Stars iyo koox reer Scattsdale FC Silverback, waxayna ku soo dhamaatey 9-2. guushiina waxay raacday kooxda Somaalida Az STARS.
Cayaarahan waa jiirooni dheer oo 3 bilood soconaya sanad walba la qabto xilligan, waana kubada (Futsal) ama indoor soccer, ayaa rajo wayn laga qabaa iney Koobka loo baratamayo ay hantaan.
Inkastoo cayaari aad sidaasi loo saadaalin kareyn hadda bal aynu dhowrno halkay ka degato.
Goolasha Az Stars waxaa furay Ismael (ish) 2 gool, Abshir Zidane 2 gool, kabtanka kooxda mahad 1 gool, Ahmed yo 1 gool, Xassan timadheere 1 gool iyo Cabdi Salaan kabtan kuxigeenka 2 gool.
Az Stars sabtida soo socota waxay lakulmeysaa koox adag, haday kagudubto, rajadeedu wey weynaaneysaa ayadoo kooxdu utartameyso qaadida jiirooniga.
