Danwadaagaha G6,Iyo Somaliland Oo Jacaylkii Dadka, Dhiig Ku Bedeshay Mala Dabri Karaa

Aan ku bilowno samir iyo iimaan Illaahay haka siiyo eheladii iyo qoysaskii labadi marxuun,kuwa dhaawacmayna Illaahay ha ka kiciyo. Reer Taleex waxaan ugu baaqaynaa ama ku baraarujinaynaa inay qaataan dariiqa nabadda,gacal is naca gunnimo ka weyni ma jirto,waa inay ka digtonaadaan degdegga iyo caadifadda danaha Danwadaagaha sii daadihinaysa ,oo ay labada dhinacba u xakamaysnadaan talada iyo dhexdhexaadinta tolweynaha guntiga dhiisha is kaga dhigay ,Isimada iyo cuqaasha ku sii qulqulaya Taleex badankoodiina wada gaadheen. Waa la dabri karaa dhibaatada haddii lala yimaado ismaqal,isixtiraam,dulqaad iyo caddaalad. Taleex waxay ka mid ahaan jirtay magaalooyinka ugu xasiloon dalka oo dhan oo dagaal iyo xabbadtoona ka dhici jirin burburkii qarankii Somaliyeed ka hor iyo ka bacdiba inta aan xasuusto. Maantase waxaa ka soo shaqeeyey beryahana dhirindhirinayey in dhiig ku daato Taleex Danwadaagaha G6 iyo Somaliland si wada jir ah,oo leh godob dhexdhig yaanay dib isu raacine,si danahooda gaarka ahi ugu fulaan,waayo shirka ayaa hadda ah mid hoosaasin iyo hagardaamo ku jahaysan markii ay Isimadii dhaqanka iyo G6 isla jaanqaadi kari waayeen,shuushkaas oo ka yimid xagga G6.   G6 ayaa hadda ah sidii maahmaahdii carabiga ahayd inoo sheegtay “Yaxaaskii isagoo ilmihiisa cunaya ilmaynayey”balse waa waxay ka faa’idaan,haatan iyo dan Isimada Dhulbahantaa samaystay,idinkase??? waxaan ku soo gunaanadayaa tixdan:

Dhinacee Aheydeen Kalshaale

Dhaadhaa noqay warkaygii Anoo dhab wax ugu sheegaay
Runta waan u dhiibaye Dheg baan jalaq la ii siine
Ii dhugte sidii aan Dhib wade ahay
OO dhaawac geysanayo.
Dhayal bay u qaateen(G6) Isimadii dhaqanka soo hayey
Dhoodhooba been iyo Waxaan laga dhammaanaynin.
Dhulkii la idin kama yaqaan Dhalasho waa meele
Dhalilihiinu waa badanyihii Iyo dhega adeygiinu
Hadalkiinii waa la dhilay Oo waa dhabadii hore e
Dhito ma aydan dhigan Kolley dhegley hadhuudh tahaye
Dhinacee aheydeen Kalshaale Markay dhacaysey baruudu
G6 ninkii dhowrayoow Dhigo hadhuubkaga.
Lascanod dhirbaxada ku taal Waad soo dhowayseene
Nabarada dhafoorada ku yaal Dhaymo loo waaye
Ceerigabo erey ma dhihin Oo waad soo dhoweyseene
Yagorina dhufays baad gasheen Iyo guri ku dhuumalaysi
Dhiig kale inaad daadisan Waa dheg xumo weyne
Dhaxaldorin baa idinla wacan Iyo dhiiba reeraha e
Dhuunigaba qaar baan la cunin Oo dhanna wax kaa tarine
G6 ninkii dhowrayoow Dhacanso ooddada.+
By Abdirizak Dalmar

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS