Madhibaan, Midgaan, Tumaal Maxay Soomaali Ugeysteen?

Midgaan, Madhibaan, Tumaal iyo kuwa kale oo fara badan, waa qabiilo  Soomaaliyeed miyiga iyo magaalooyinka dalkeena daga.Waxay qabiilada kale uga duwan yihiin, dhowr arimood, waxaa kamid ah:

1. Waa qabiilo, qabiilo kale la daga.

2. Waa qabiilo badidood kali isguursada, dadkale aan guursan, ama aan loo ogaleyn.

3. Waa qabiilo awood iyo xoog dadna aan usheegan.

4. Waa qabiilo dagaaladii sokeeye dadna  aan wax gaarsiin.

5. Waa qabiilo, umadda Soomaaliyeed kuheshiisay, xaqiraadooda, inaan gabadh lasiin, gar eysan goyn, lala garatamin, iyo xitaa inaan lala kaftamin.

 

Hadaan dib ugu noqdo taariikhdii hore oo aan qornayn ee soomaaliyeed, waxaan kawaayey cadeyn ama daliil iyo burhaan qoreysa xumeynta qabiiladaas aan horey usoo sheegay. waxaa kutiri kuteen naloogu sheegay in waayo hore uu jiray sedex wiil oo walaalo ah, mid kamid ah ayaa wuxuu arkay neef meyd ah, labadii kale oo udigaya yuu amarkoodii diiday neefkiina  cunay.

Waxaa kaloo yaraantii ehelada naga dhaadhiciyeen, in qabiiladaas dad xun eey yihiin, iney  kabaha tolaan, ineey timaha jaraan, ineey xoolaha qalaan iyo sheekooyin kale oo maanta markaan weynaaday caqligeygu yeeli karin, fogeynta iyo dudinta dadkana eysan dan noogu jirin.

Dhaqan umaadeena waxaa u ah inaynu is dillo, marna heshiino, xaqiiqduna Soomaali kala adkaan weyday. Su’aasha taalla maanta waa: Illaa goormeynu xaqirnaa qabiiladan, niyaddana kadilnaa?

Awoow ka awoow niyad jab iyo ciqaab aan dhamaan yeey qabiiladan kujireen dharaar iyo habeen, ilaa haatan wax is badal ah madhicin. qoys eynu diin, midab, deegaan, dhul, iyo luuqad wadaagno yeynu cisho walba hoos u eegnaa. Ilaahay adba waa ku uumee ma madhibaankaan abuureyn?

Maalintii lagu soo istaajiyo iilka qiyaamaha, kolkii lagu weydiiyo gabadhyahay maxaad kudiiday ninkii wanaagsanaa ee hebel? wiiloow maxaad kudiiday gabadhii wanaagsaneyd? Ilaahay mayeeli doonaa qofkaas midgaan buu ahaa.

Wiilal iyo gabdhoow, waalidkaa xaq buu kugu leeyahay waa inaad wax kamaqashaa aan ka aheyn haduu waalidku diido wuxuu eebbe faray. Waxaa kamid ah waalidkoo kuu diida qof diin leh cilmi iyo akhlaaqna kudarsaday “haguursan nama gayaan reerkaas” waxaad khilaafeysaa dariiqa islaamnimadda, waayo nabigeeni (scw) wuxuu yiri, ” Laa macsiyat al khaaliq fii macsiyat al makhluuq”. xadiiska macnihiisu wuxuu yahay: Ilaahay haku caasiyin, adigoo kacabsanay aadamaha uu abuuray.

Islaamku waa diin dadkuna wuu simay, xadiiska (rscw) wuxuu yiri, ” wax farqi ah uma dhexeeyo, qofka carabka ah iyo cajamiga (dadka aan carabta ahayn) waxay kukala fadli badan yihiin camal wanaagsan iyo taqwad qofkii layimaada”.

Waxaan kacodsanayaa, si umadda ujoojiso xaqiraada qabiilada aan horey usoo sheegay:

1. Wadaadada, culimada iyo ahlu diinka ineey dadka wacyi galiyaan, khudbadaha jumcaha, iyo      muxaadarooyinka kusoo daraan.

2. Garaaddada, salaadiinta, ugaasyada, iyo kaabo qabiiladda soomaaliyeed uhorkacaan joojinta xaqiraadda.

3. Ineey baneeyaan sicad, guurka iyo laxididka qabiiladaas.

4. In dowladda soomaaliyeed, sharciyo kadhigto xaqiraadda.

5. Madaxda jaaliyadaha dibadaha kunool kaqeyb qaataan ladagaalanka xaqiraadda.

Waxaa hubaal ah haday soomaali wanaagaa isku raacdo, inuu ilaahay ibtilada naheysata naga qaadi lahaa, mujtamaca oo dhana heshiin lahaa.

N. Gardaro

1 Jawaab

  1. garcadaawo says:

    qalbi nugulaa walaalkeey waxaan aad ka hadleeyso ee ah eexda iyo xaqiraadda dad yoow ilaah abuuray doowladi ma joojin karto xaqiraaddaas xitaa qaramada midoobay waxaan taas u iri maalintii ilaah dhammeeyey ibnu aadam aabahood abuurkiisii ayaa ilaah wuxuu ku addoonsaday khalqigii halkaa joogay aadam ka hor ineey u sujuudaan nabiyullaahi aadam (cs) ilaahna xaqbuu u leeyahay wuxuu doono inuu khalqigiisa ku addoonsado addoon ayaa diiday sujuuddii kaasoo ahaa nacas (sheeydaan) in kastoo ilaah u carooday sheeydaan hadana doqonimadiisa ilaah ma weeydiisan cafis ee wuxuu ka codsaday ilaah inuu helo cimri dheer ee uu aadam ku xumeeyo naarna u jiito wixii raaca waa laga yeelay aakhirkiina aabihii aadamiga wixii janno kasoo saaray isagaa sabab u ahaa. dagaalkiina waakii labadiisii wiil midi kii kale dilay sheekadii halkaa ka bilaabatay baa socota ( wax taas joojin karaana waa. xukuumad islaama) NOT dimoqraadi ama TFG ama soshalisim.. afkana soomaali ka jeedi waxaan nahay …4.5

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS