Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Kuwait.SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta gaaray dalka Kuwait ka dib markii uu martikhaat rasmi ah ka helay Amiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda Kuwait. Dowladda Kuwait ayaa si cajiib leh u soo dhoweysey Prof Abdiweli oo ah markii ugu horeysay oo mas’uul Soomaaliyeed sidaas quruxda badan loogu soo dhoweeyo. Waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait uga horyimid Prof Abdiweli Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dalka Kuwait Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, Ra’iisul Wasaare ku xigeeno, golihii wasiirada iyo mas’uuliyiin sar-sare.

 

Ra’iisul Wasaare Abdiweli markii uu soo cagadhigtay waxaa lagu soo dhoweeyey kaarbet guduudan oo weliba uu salaan sharaf isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka qaateen cutubyo ciidanka Kuwait ah oo weliba la qaaday heeshihii calanka ee labada dal. Waxaa jidadka waaweyn lagu taxay calanka Soomaaliya iyo calanka Kuwait.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan xiriirka caalamka xoojiyey ayaa si is-daba joog ah uu u helayey casuumaad madaxda caalamka tan oo muujineysa in caalamku ay si aad ah ugu qanacsanyihiin dadaalka uu wado Prof Abdiweli oo horumar weyn ka sameeyey dhanka amniga, xiriirka maamulada iyo Dowladda Fedraalka ah, maamul wanaaga iyo arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo. Waxaa intaas sii wehlisay Roadmap kii dhowaan Somalidu saxiixeen oo muujinaya sida ay Soomaalida ula wareegeen hoggaanka iyo ka talinta aayaha iyo mustaqbalka dalka.

 

 

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS