Shir balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan magaalada Phoenix,Arizona. ayaa xalay lagu qabtay hudheelka Delhi Palace,waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida:- Isimo,Aqoonyahano,Waxgarad iyo dhalin.
Prof.Mohamed Ali Abuukar oo halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu nuux nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in la helo Amni iyo nabadgelyo. asaggoo shacabka Somaaliyeed meel walboo ay joogaan kula dardaarmay iney nabadda kawada shaqeeyaan gacmahana is qabsadaan,
Prof. Abuukar, wuxuu madax u yahay fadhiga jaaliyadda Somali American Council, ee Phoenix,Az.wuxuuna macalin ka yahay jaamacadda Grand canyon iyo jaamacadda Utah State university.
Mudane,Omar Boqor, ayaa ugu baaqay umadda soomaaliyeed meelkasta ay joogaan ku dadaalaan sidii ay ugu wada noolaan lahaayeen midnimado iyo wada jir. Boqorka, wuxuu si gaara ah reer puntland ugu amaanay sidii ay u martigeliyeen shirkii wada tashiga soomaalida ee lagu qabtay magaalada Garooewe.
Mustafa M.Haji, oo kamid ah odoyada magaalada Phoenix, ayaa isna aad u taageeray shirkii wadatashiga ee Garoowe, iyo halka ay ka istaageen madaxda Puntland in laga guuro awood qeybsiga 4.5ka ku saleeysan, loona guuro qaabka deegaan doorasheedka.
Runtii halkan laguma soo koobi karo marti sharaftii madasha xalay ka hadashay,waxaa ka mid ahaa :-Mohamed Najiib Dr.Farah, Nasrudin A. Hassan (Gardaro), Community Outreach Mr.Mohamud Shalab, Mudane Bashir Abdi Sheekhdoon, Aw-Jamac Ciise Bariir,Ugaas Geele Mohamud Boqow, Garaad Mohamed Musse, Dr.Mohamed Jamac,Saleebaan Dhuxul iyo Dr.Ahmed Hassan Madoobe.
Sidoo kale waxaa xafladii xalay ka soo qeyb galay Mudane Sharma’arke Shire Ali, Abdirahman Ali Dhuux, Sheekh Shariif Nuur. Abdullahi Farah Bile, Abdulaani Adan Hussein(Jaqiro) iyo Mudane Abdinasir Salah Abdi
Ing. Omar Abdullahi Osman, ahna madaxa sare ee shirkadda (Mayflower) ayaa isana si qoto dheer uga hadlay taariikhdii Puntland State, taasoo aad loogu bogaadiyey.
Ugu danbeyntii madaxdii iyo dadweynihii halkaasi ka soo qeyb galay waxay Alle u baryayeen inuu Somaalida meel walboo ay joogaan inuu culeyska ka dulqaado
hadlayay ka qaaday goobta Fannaanka Najiib Faarax Saciid.
Sharmakesali@gmail.com/Phoenix/ZACIIM

shirkaan waaxa isugu yimid faqash oo dhan wac macno ahna kama hadlin