AL-SHABAAB OO LA TUMAY

dharbaaxooyin kulul baa saaka ku waaberiistey fadhiisimo Al-Shabaab saldhig u ahaa oo ay ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho.

Kun askari oo ay kaalmaynayaan labaatan taangi,ayaa Al-Shabaab ka qabsaday saddex saldhig,sidaa waxa sheegay sarkaal sare oo amniga ah.

Ciidammada Kenya iyo Itoobiya laftoodu dhowaan dhul ayey ka qaadeen Al-Shabaab.

Koox Al-qaacida xiriir la leh ayaa weli gacanta ku haysa dhul badan oo koonfur iyo gobollada dhexe ah laakiin weerar ayaa kaga soo wajahan  jihooyin kala duwan.

Ciidan Jabbuuti ka socda ayaa dhowaan soo gaarey Muqdisho si ay u xoojiyaan 12 ka kun ee hore u joogey,iyadoo UN-tuna dalbaneyso in 50% ciidan ah lagu kordhiyo.
Al-Shabaab waxay qiratay in dhul laga qabsaday inkastoo ay ku hanjabeen weerar celis.

Mr. Artan

Leave a Reply

© 2011 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS