Dadka reer Kuwait oo geed miroodka cambaha Soomaaliya u bedeshay dhuxull lashito

Geed miroodka cambaha oo ka mid ah  Thimaarta dalkeena sida xad dhaafka loogu isticmaalo islamarkaana manaafacaad badan u leh bulshada  ayna ka buuxaan Vitamin ayaa   mudaayinka danbe  shaqaalaha dhuxusha  geedaha ka jara waxay ku bilaabeen  olole  xoogan oo jaris ah, iyagoo u isticmaalaya dhuxul kaddibna dibedda u dhoofinaya.

Jarista geedkan manfaca u leh bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa ay timid markii dadka dhuxusha dhoofiya ay  xaalufiyeen geedihii kale oo markii  hore dhul ka soo saari jireen ,waxayna gubaadka lagu hayo degeenka Soomaaliya ay   sabab u tahay markii uu meesha ka baxay sharcigii iyo haylkalkii maamul ee  dadka iyo  dalka hagi lahaa.

Dadka dhuxul leyda ah ayaa  la xaqiijiyay in marka ay dhuxul ahaan geedaha u jarayaan  ay si naxriis la’aan u adeegsadaan qalab casri ah oo daqiiqadii jari karo geedo badan.

Mid ka  mid  ah Ganacsatada dhuxusha   Soomaaliya oo u warramayay wakaalada wararka ee Kuwait ayaa  sheegay in  geedihii loo isticmaali jiray dhuxusha  ay Soomaaliya gabaabis ka noqdeen  sidaa  darteedna ay hada lagama maarmaan noqotay in loo jeesto  jarista geedaha kale ee manfaca u leh bulshada oo uu geed miroodku ka mid yahay.

Dhuxusha Soomaaliya  ayaa waxa suuqyada khaliijka carabta lagu iibiyaa  qiimo aad u hoosaya, iyadoo  halkii jawaan  oo dhuxul ah qiimihiisu yahay 3.5  Diinaar,  waxaa kaloo  jiraa qiimo kale oo kan ka hoosayo oo jawaanka dhuxusha   wadamada khaliijka lagu iibiyo 2.5 Diinaar.

Sida  laga  warqabo jarista geedaha nooc kasta oo ay  noqdaanba  waxay  degaanka u keenayaan  dhibaato nabad guur ah iyo xoolihii oo waaya wax ay cunaan islamarkaanaa  ay dalka ka cararaan duur joogtadii soo jeedan jirtay dalxiisayaasha sida Maroodiga, deerada, dameer farowga iyo Geriga.

Xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre  waxay mudnaanta kowaad siisay daryeelka degaanka waxayna soo saartay sharci mamnuucaya jarista geedaha, waxayna sameysay seerooyin badan oo waqtiga jilaalka ah ay xooluhu daaqaan, hadda dadaalkaasi oo dhan meesha waa ay ka baxday , waxaa  soo ifbaxay dad manaxayaal ah oo xaalufiyay deegaanka Soomaaliya  waxaana halis galay wax soo  saarkii beeraha.

Sonna

Leave a Reply

© 2011 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS