Guurkii somaali la haan jirtay waxay isugu jireen noocyo kala duwan, waxaa ka mid ahaa:- Dhabar garaac, Masaafeysi, Doon, Heerin, Siin iyo wixii la mida.
Waxaad moodaa mudooyinkii dambee magaalooyinka la soo camiray, intii hore waxaa ku soo biiray,Saaxiib(Friend) Oo sida qaalibka ah Odayga reerka ama Islaantuba aad ayey ugu adkeyd iney ku dhiiradaan bixinta,wiilka ama gabadha ay dhaleen haddii laga soo doono, oo go’aan waafiya intaaney ku siin ayey ula noqdaan wiil ama gabar kolba kuu ahaa. iyaggoo iskula hadlaya “soo diide haddaad tiraah Aabo wiilkaa ama gabadhaa ayaan ku siiye”. kadibna reerkii kala irdhoobo.
Hadaad dhalinta u soo gudubto, Markaad weydiiso miyaadan guursaneyn si aan ku jirin labo labeen bay u yiraahdaan “Wiilka ama Gabadha aan wada socono ayaanu is guursaneynaa cisho dhow”. halkaasi waxaa ka cad dhaqankii inuu isbadel weyn ku yimi, oo waxaa meesha ka baxey doorkii waalidka uu ku lahaa yagleelka reerka cusub, oo lamaanaha israba markay soo dhameystaan howlahoodu ayunbay waalidku ula yimadaan iyuna way isugu duceeyaan.
Saaxiibka badanaa wuxuu dhexmari jiray labo qofood oo deegaan kuwada nool, sida muuqatana waalidku wuxuu isku qancin jiray kol hadday is doorteyn isu daa, bacdamaa uu ka dheregsan reerka ay la xididayaan.
Waxaase bikh yiri, kuwa hawada ka saaxiiba halkaana ku kala dabqaata,waxaan ula jeedaa Aaladda Facebuuga
Runtii arintani(facebook-ga) sadaasheeda ma sahlana oo aqalkii halkaasi lagu yagleelay waxaad moodaa “Gal dad liq ah ul baa lagu dayaa”. bal aynu dhowrno waxa ka soo baxa
By Mustafa Haji
