Madaxweynaha dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlayay magaalada Bosaso ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan sugida amaanka deegaanada, wuxuuna sheegay in maalmo badan qabteen waxa ugu yeeray kooxo ka soo horjeeda amaanka Puntland, wuxuuna tilmaamay in hada qabaan rajo wanaagsan oo ku aadan dhanka amaanka.
Faroole oo ka hadlayay madal lugu xusayay markii uu qabtay xilka Madaxweyne-nimada Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu la kulmeen dagaalo, iska caabino, dilal iyo qaraxyo logu geystay deegaanada Puntland, wuxuuna sheegay in kuwaasi ahaayeen falal dad doonayeen in uga soo horjeestaan amaanka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey hogaanka Xarakada Shabaab in leeyihiin masuuliyada dilalka, qaraxyada iyo falalka ka dhacaya deegaanada Puntland, wuxuuna ku sifeeyey in doonayaan in dumiyaan amaanka iyo kala dambeynta deegaanadaas.
Wixii ka dambeeyey sannadkii 2009-kii deegaanada Puntland, waxaa ku soo badanayay waxaa ka dhacayay qaraxyo, dilal iyo dagaalo dhaca mararka qaarkood, kuwaas oo dhexmarayay Puntland iyo dhinacyo kale, waxaana badanaa dhacday in ay Xukuumadu siyaabo kala gedisan uwajahday.

