Qaabka Loo qeybsan Rabo Khaatumo State Of Somalia”Xog Hoose”

 Doodii shirweynaha taleex ayaa lagu ansixiyey dawlad goboleedka Khaatumo State Of Somalia sida ay Shabakada Badweyn.com u xaqiijiyeen dhamaan qeybaha ka qeybgalaya .

Maamulku wuxuu ka koobnaan doonaan afar qaybood oo kala ah.
Golaha dhaqanka: Madax dhaqameedka SSC ayaa waxay yeelan doonaan doorkooda dhaqan iyo Gudoomineed oo aan cidina ku faro gelin dooonin.

 

Kooxdii G6 waxaa laga dhigay G9: qaybtani waxay ka koobnaan doontaa lixdii oday ee Aqoonyahanka ahaa iyo saddex kale oo lagu daray kuwaasoo ayaguna la shaqayn doona maamulka cusub, siiba arimaha debeda iyo dhaqaalaha miisaniyada kala talin doona.

Golaha fulinta: Waxay ka koobnaan doonan Madaxweyne iyo labo ku xigeen kuwaasoo, midkastaba xilka hayn doona 6 BILOOD,ISKU DAR sanad iyo badh inta uu qori doono axdiga KMG ahi. Waxayna isugu wareejin doonaan mudadaas KMG ah, waxkastana way ka wada tashan doonaan, sidoo kale golle wasiiro oo ka koobnaan doona 6 xubnood ayaa raaci doona. Kuwaasoo ayagana lagu soo xuli doono aqoon , karti iyo firfircoonidooda.

Golaha Wakiilada: Golahani waa kuwa Barlamaanka tiradoodu waxay ka koobnaan doontaa waana sharci dejinta iyo weliba miisinayada ansixinta , oo ah shaqooyinka Barlamaanka ee caadiga ah.

Dhamaan waxaa la samayn doonaa Axdi KMG ah, oo kala hagaya awoodahan iyo weliba arimaha shaqooyinka, sidoo kale waxaa jira hay’ad ka wada madaxbanaan kuwaas, oo ah golaha Garsoorka ee Maxkamadaha, ayagu waxay noqonayaaan kuwa shaqadooda u madax banaan, oo uu wehliyo Xeer ilaaliyaha guud iyo hanti Dhawrka maamulka ee Guud.

21 Magac ayaa la soo bandhigay,waxaa loo qaaday cod,waxaa wareega finalka iskugu yimid Khaatumo State of Somalia iyo Midnimo State of Somalia.

Golaha dhaqanka ayaa loo gudbiyay labada magaca waxayna soo gudbiyeen Khaatumo State of Somalia.
Khaatumo State of Somalia ayaa si buuxda loo ansixiyay,waxaana maamulka loogu wanqalay Khaatumo State of Somalia.

Khaatumo State of Somalia maaha maamul u gaara Dhulbahante oo kaliya laakiin waxaa ku jira beelaha Faqashini iyo Gabooye.

Faqashini waa beelweyn u dhalatay Habargidir ,Hawiye waxayna degtaa gobolka Sool

 

Sharmakesali@gmail.com/Phoenix

 

2 Jawaabood

  1. Ahmed says:

    @Munir , please dont talk like a shollow minded person. We all know that SSC is for Dhulbahante. These other minor (La haystayaal) tribes that you are talking about such as Fiqishini and IIdoors have no place in SSC. I really have respect for Gabooye and Fiqishini than Iidoor.
    KHAATUMO STATE OF SOMALIA will live forever and this is the end of Somaliland hope of Secession.

  2. Nuur says:

    I think the Sool, Sanaag and Ayn peoples are built a news state called Khaatumo State of Somalia so the SSC will considered the existence of the other Tribes that lives in SSC Region and we allowed these people to decide their future.

Leave a Reply

© 2011 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS