Shirka Khaatumo2 Nabad Ama Colaad

Shirka khaatumo2 ee ka  furmay magaala taariikheedka taleex ayaa waxaa looga dhawaaqay maamul goboleed, hadaba maxaa laga filan karaa in maamulkan ku soo kordhiyo deegaanada looga dhawaaqay . deegaanada looga dhawaaqay maamulkan ayaa ahaa mid ay laka sheegan jireen labada maamul ee soomaaliland iyo puntland .
Waxay tani u horseedi kartaa dadwaynaha  ku dhaqan goboladda ssc  nabad iyo horumar ay weligood ku taamaayeen . waxayna kaga baxayaan kala qaybsanaantii  ku kala dhexjirtay  mudada fogayd ee u diiday horumar iyo wax qabsi. Waxayna wax walbaa ku xiran yihiin sida dadka loo idmado  in ay madax ka noqdaan maamulkaas  ay dadkooda uga saari lahaayeen dhibaatooyinkii soo maray.
Waxaa kale oo la fili karaa in maamulka lagu dhawaaqay uu degaanka u horseedo colaad aan horay u soo marin. Maamulka Somaliland wuxuu durbaa kala horyimi mucaaradad xoog leh iyo hanjabaado ay la beegsanayaan go,aamada ka soo baxa shir oo ay ku tilmaameen in uu lid ku yahay  kana hor imanaayo gooni isu taaga Somaliland ayna marna aqbali karayn arintaas waxayna maamulka Somaliland bilaabeen in ay ciidamo ku soo daabulaan gobolka.  Taasi waxay keeni kartaa isku dhac militeri.
Puntland  oo u muuqata mid sheeda ka eegaysa waxaa ka soo baxa shirka ayaan ilaa iyo hada ka hadlin maamulkii looga dhawaaqay taleex.  waxaase taageero wayn kuujiyay shacabwaynaha puntland  oo u hanbalyeeyay  walaalahood, puntland waxay ku qasbantahay in ay aqbasho waxa ay doonayaan shacabka SSC  oo maamulka ay soo disteen ayay taageeri doontaa waxaa kale la fili karaa in colaad ka dhexgaraxda  maamulka lagu soo dhisay taleex iyo Somaliland ay puntland ku qasbanaato in ay ka qayb qaadato la soo celinta maamulka cusub magaalada laascaano.oo ay horay uga gaabisay

By Ali Omar

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS