Thierry Henry oo raali gelin ka bixiyey isku dhacii dhex maray mid ka mid taageerayaasha kadib guuldaradii Swansea

Weeraryahanka Arsenal Thierry Henry lama kulmi doono wax ciqaab ah kadib markii muran carro leh ay dhex martay isaga iyo taageere ka mid ah kooxda, sida ay sheegtay The Daily Mail.

Henry ayaa la arkayay isagoo u si careysan ugu jawaabaya, taageero kale oo careysnaa oo ka xumaa natiijadii Liberty Stadium.

Gunners ayaa ku adkeysatay in ciyaaryahanka reer France uu u sheegay oo keliya in uu kooxda taageero kadib natiijada ay la kulmeen, si kastaba ciyaaryahanka ayaa raali gelin siiyey taageerayaasha dhacdadan.

ciyaaryahanka reer France ayaa u sheegay The Sun: “Aad ayaan u yabanaa una calool xumaa axadii, kaliya ma ahan natiijada,”.

“Markii aan horimid taageerayaasheena hortooda, waxaan fahmi waayay sababta hal taageero oo ka mid ah uu u jaa’ifeynayo kooxda

“Waxaan doonayay inaan u sheego taageerahaas inaan u baahanahay taageeradooda oo aanan u baahneyn aflagaadadooda. Qaabkii aan u la danlahaa waa wax sax ah, lakiin si ka fiican ayaan u hadli karay

“Sidaasi darteed waxaan jeclaan lahaa marka ugu horeysa inaan raaligelin ka bixiyo inaan hadalo aan habooneyn u isticmaalo taageerahaas. Ulama jeedin inaan ugu hanjabayo, waana ka warqabaa inay aheyd inaan u la hadlo si ka degan.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS