Xiddigaha kubada cagta Arizona oo isreebreebkii u bilaawday

Codkawaamo/Phoenix, Arizona, USA

Xiddigaha kubada cagta Arizona ee Soomaaliyeed (Az Stars) yaa maanta kaguuleystay  SC. soundpack 7-0. waxaa goolasha furay Cabdullahi kongo laacibka khadka (difaaca) iyo bartamaha 1 gool, Faarah(weerar) 1 gool, Axmed yow (weerar) 1 gool Xassan timodheere(bartamaha) 1 gool, iyo kaabtanka kooxda Mahad( difaaca) oo 3 gool kukhatimay.

Guushan waxay kooxda xiddigaha Az Stars u bilaawday isreebreebka jiirooniga oo kooxdu hogaaminaysay, dadweynihii soomaalida Arizona ee ciyaartan daawanayey, yaa taageero umuujiyey kooxdooda, kana soo baxay garoonka ayagoo kor usida laacibiintooda isla markaana umahad naqaya ciyaarta eey kooxdu soo bandhigtay.

Labo kamid ah laacibiinta kooxda  Kaabtan Mahad iyo Xassan timodheere ayaa waxaa soo codsaday kooxda Mission Green Isla markaana maamulaha uu kadiiday inuu waafaqo, “waayo wax dheef ah kuma qabno, qiimaha lagu rabana aad buu ujabnaa” ayuu yiri Sharmake Shire Ali maamulaha kooxda Xiddigaha AZ stars.

Maaamule sharmake wuxuu kudaray mahad celin gaar ah uu kuwajahay laacibka Cabdullahi kongo iyo laacibka weerarka Faarah. Waxaa kaloo maanta kooxda kamaqnaa tababaraha Coach Gardaro, oo kumaqnaa shir uu kula kulmay hay’adaha ”Responsership” ama maal galinta kooxda kamas’uul ah, ilaa haatana wuxuu shirkaas kudhamaaday nalama uusan socodsiin. sidaad ula socotaan khamiistii lasoo dhaafay kooxdu waxay kubadisay 4-3 waxayna kooxda kahormarisay kooxihii eey hogaamineysay oo idil oo kawada dhibca hooseeya.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS