Nugaal oo u baxdey Finalka tartanka gobollada Puntland

Garoonka kubadda cagta magaalada Garowe ee Mire Awaare aya waxa weli ka socda tartanka gobollada Puntland oo galay maanta  qaybihiisi ugu danbeeyey ee Semi-Finalka.
Gobollada Nugaal iyo Sanaag ayaa iskaga horyimid Mire Awaare galabta kulan kii badiya uu u gudbayo ciyaarta kama danbeysta ah ee koobka gobollada Puntland ,waxana aad usoo buux-dhaafiyey garoonka taagerayaasha gobolka Nugaal oo xamaas gelinaya ciyaartoydooda.
Inkastoo lafilayay in Nugaal ku hormarto booqashada shabaga ayaa Zaki Balqaash oo weerarka uga ciyaara Sanaag uu arintaasi beeniyey isagoona goolka keenay daqiiqadi 25-aad ee kasoo wareegtey bilawga ciyaarta.
Isla natiijadaasi ayay kusii socotey ilaa dabayaaqadii qaybtii danbe ee ciyaarta galabta oo taagero badani aaminen in Nugaal ka hartey koobka ka hor inta uusan dib rajada Nugaal u soo nooleyn Najiib Yare oo weerarka ka ciyaara keensana gool hal mar sare u kiciyey cid kasta oo galabta garoonka fadhidey.
Nugaal 1-1 Sanaag ayaa labo daqiiqo goolkaasi ka dib uu ku dhawaaqey garsooraha ciyaarta oo waxay u gudubtey goolku laad ama Rikoore (Penalties) maadaama aysan suuro noqon karin in 30 daqiiqo lagu daro qoraxda oo galbanaysa awgeed.
Laba koxood ayaa soo xuley mid 5 ciyaartoy oo ay ku aamineen masiirka kooxahooda,waxana siweyn ugu suxul duubtey labada goolhaye ee kooxaha u kala safnaa.
Kasokow hal ciyaaryahan oo ka tirsan gobolka Nugaal oo laga qabtey goolku laadkiisa dhamaan 3-da kale way dhaliyeen halka goolhayaha Nugaal Geeseey oo isku duubey 3-Rikoore oo uu ka qabtey Sanaag.
Guushu waxay sidaasi ku raacdey gobolka Nugaal oo farxad ilin keentay galabta lagu arkayey garoonka Mire Awaare waxana isku milmey taagerada iyo ciyaaryahanada gobolka Nugaal oo tamaahsaadka iyo hanbalyadu waxay ka socotey ilaa caawa fiidkii garoonka Mire Awaare.
Nugaal boos ayay ka xajisatey kulanka kama danbeysta ah ee gobollada Puntland ,waxana laga dhur sugayaa kulanka dhinaca kale dhaxmaraya Jimcaha kooxaha Karkaar iyo Mudug oo isku haysta cida Nugaal u raaceysa kamadanbeysta.

Sharmakesali@gmail.com/Phoenix

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS