Dalka iyo dibbadaba waxay dadweynaha soomaaliyeed leeyihiin wargeeysyo iyo saxaafad shacabka soomaaliyeed wax kadhageeystaan ama akhristaan. waxaa kamid ah idaacadaha, websiteyada iyo taleefishano, warbaahinta iyo saxaafadahaas kala duwan dadweynaha soomaliyeed ayeey wajahaan dhaqankooda, kana baahi bixiyaan qofka soomaaliyeed ee raadinaya ama doonaya inuu ogaado dhacdooyinka wadanka dhaxdiisa iyo dibadiisaba.
Shakhsiyan waxaa jira subaxdii markaan damco inaan baadigoobo warkii soomaaliya iyo dhacdooyinkii maanta kadhacay dalka waxaan galaa websiteyo kala duwan, kuwa soomaaliyeed iyo kuwa ajnabi. waxaa laga yaabaa inaan kuqanco warka uu soo qoray ajnabiga waayo warka soomaalida eey sheegeyso ama qorto waa mid kusaleysan 1.cadaalad daro 2. qabyaalad 3.tababar la’aan, 4.aqoon daro, iyo 5. qoraaga ama wariyaha oo u khidmeeynaya dantiisa iyo maslaxad gaar ah.
Dowlad la’aantu waa jiritaan la’aan waayo maheysano awood laxisaabtami karta warbaahinta soomaaliyeed. Haddaan maanta arko ”ree hebel” ama qabiil hebel oo danaha qoyskeeyga kasoo horjeeda waxaan awood uleeyahay inaan been faafiyo anigoo arka colaada reerkaas, marnaba aan tixgelin, karaamada ahristaha websiteka ama dhageystaha idaacada aan kahadlayo.
Hadaynu soomaali nahay qof walba qoys ayuu kadhashay, dadkana ilaahay baa abuurtay, xoriyad ayuu siiyey qofka inuu wanaag ama xumaan kuhadlo. Haatan kolkaad dad fara badan wax usheegeyso ama warbaahin fidineyso, waxaa loo baahan yahay 1. aaminaad 2. caddaalada warbaahinta 3. xafidaada karaamada akhristaha, dhageeystayaasha, iyo daawadayaashaba. 4. aftahanimmo iyo balaaqad iyo 5.war saxaafadeed oo latartami kara warbaahinta ajabiga ah.
Waxaan doonayaa inaan iftiimiyo arin aad muhiim u ah, qoraaga iyo wariyaha soomaaliyeed waa ineey ogaadaan dalkeena maalintuu ilaahay qoro wuu hagaagi. ayagu ineey wajigooda, sharaftooda, iyo oraahdooda xafidaan waa lagama maarmaan. Waayo mustaqbalka xisaab iyo waxaa iman doona ”maxaad saa utiri”.
Warbaahinta iyo saxaafada soomaaliyeed maanta weey liidataa, dadweynuhu qof walba wuxuu wax ka akhristaa ama kadhageystaa qofkiisa. dhamaanteen waxaa nasaaran waajib wadaniyeed iyo ku akhlaaqiyeed, labaduba waa inaynu ku guuleeysanaa. dadweynaha aynu ugudbino wararka, waa inaynu wajahnaa aragtidooda, fiiradooda iyo dhaqankooda. waxay arintaas noo suurto galineysaa anaynu abuurno wadaniyad iyo jeyl kaduwan ka xiligan jira
N. Gardaro
