Habeenkii Waan Daalanahay, Subixiina Waan Deg-deg sanahay Dadow Ma Dowbaa?

Akhristoow, Qurbihii loo soo hayaamay  waxaa lagala kulmay howl, waxaan maqli jiray  “akhayaar waxaysan foofsan baa u soo hoyda’, dalalkan  dalkii somaaliya ka shiddo badan sidaan filayo,   waa marka horee shaqooyinkii la qaban jiray waa ay ka la dhifnayeen  kuwan, waxaa intaa dheer saacadaha ugu badan ee la shaqeeyaana  waxay ku koobnaayeen 8:00 Subaxnimo ilaa 12:30 Duhurkii, haddaysan kaba yareyn.

Kol haddii la qado tago shaqo danboo la isugu soo noqdaa majirin,duruuf gaara oo markaa taagan mooyee. Sidaasi awgeed raggu waa wada baarqab nasiino helay, sida muuqatana ku filnaa Labo iyo Afar reerba.

Howlse waxay timi markii qurbaha la yimi oo shaqo aan fooda kor loo qaadi kareyn goradda la isu galiyey, taasoo  noqotay waxaynaan hore u arag, nin walbaa wuxuu u iishay halkuu howl yari bidayey, taana waxay la timi shido kale oo hor leh  sideed saac baynu ka carareynee sideed kale ayaa ku darsoontay si aad u hesho nolol maalmeedkaada.

Waxaan  filayaa Nin Lix iyo toban saac ama in u dhiganta soo shaqeynayey, isaggoo daalana inuu habeenkii ku soo noqonayo aqalkii uu saakay ka kalahay shaki kuma jiro,

Sidaasi awgeed, Nin daalan wuxuu saa u eegaa waa un sariirtii uu dhinaca dhigi lahaa kaliya, saxiibtii sariirta u gogashay laacideedu warkeedu daa!

Saacaduhu orod badanaa, harkii baa galay durbadiiba, hal haleel intaad u haabato dharkii shaqada ayaad tiraahdaa war iga leexo waan daahay oo waan deg degayaa.

Waxaan maqli jiray Sal laguma fadhiyee Soor baa lagu fadhiyaa, Ninkuna gar leh, Gabadhuna gar leh sow arintu uma eka?  Ninku  hadduusan  shaqadu u tafo xeedan way adag tahay inuu ku filnaado biilashii reerku u baahnaa. Ka raggoo labo saar Gabadhii aqalka asashay oo filaysay iney wakhti kula qaadato saygeedii halkaa nabar baa kaga dhacay,

Waxase filaysay ama meesha soo dhigatay Wadaaddu  ma aysan aheyn,  in habeenkiina lagu yiraahdo Macaan, caawa aad ayaan u daalanahay, subixiina markuu hurdada ka baraarugo ku sii dhaafo Macaanto, sow uma jeedid saacaddu, aad ayaan u daahsanahay. waloow taasi ay Gabadhu sinaba u qaban, haddana waxaad moodaa khilaafyadan gaamuray ee hareeyey qoysaska qurbaha inuu salka ku hayo waan daalanahay misana waan deg-deg sanahay.

Gunta iyo gunaanadka qodobkan, waxaan ku  soo afmeerayaa Gabdhahan Tilaajadda Jikinka looga buuxshay, daah iyo daal ha laga dhowro

By Mustafa Haji

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS