codkawaamo/Columbus-Ohio
Waxaa bisha Abril 6, 2012 magaalada columbus kabilaaban doona koobka Jaaliyadaha Soomaalida waqooyiga mareykanka. Waa sanad guuradii 12 ee koobkan laqaban doono, waxaana kasoo qeyb geli doona 16 kooxood oo dhalinyarta Soomalida kunool Mareykanka iyo Canada.
Gudoomiye Bashir Gelle siduu noogu waramay, ” tartankan kubada cagta waxaa sanad walba isugu yimaada dhalinyarta Soomaaliyeed ee gobalada kala duwan kayimaada, waxaana loogu talagalay ineey dhalinyarta isku barato, kutartamaan koobka, isla markaana anagoo dhalinyarteena ka ilaalineyna waxyaabaha sharci darada, kuna dhiira galinaya sports iyo tartan kubadeed.”
Wuxuu gudoomiye Bashir Gelle kudaray, ” Waxaa kasoo qeyb gala koobkan marti sharaf fara badan oo eey kamid yihiin laacibiintii qaranka Soomaaliyeed ee hore, sida Mukhtar Cuti, Diini, ibraahiim Sudaan, Abdi Yusuf, Macalin Qolof iyo kuwa kale oo fara badan.
