Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota USA. waxaa ku qabsoomay shir laba maalmood qaatay oo looga arrinsanayey arrimaha Deegaanka Waamo.
Sharkani waxaa ka soo qayb galay Gudiyo ka kala yimid gobolada Mareekanka iyo Canada. Dood dheer iyo falanqayn badan iyo waliba xiriiryo badan oo ay la sameeyey Jaaliyaddaha ku kala nool Eurobe, Austrelia, iyo Wadamada Qaliijka ,Bariga Africa iyo guud ahaan dalka iyo deegaanka Waamo.
Intaa kadib ayaa waxaa madashii shirkani loo fadhiyey ka soo baxay go’aamo dhaxal gal noqday loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan galiyo hadduu Alle Idmo.
1-In la sameeyo Guddi isku xira Jaaliyadaha Dibadda iyo kuwa gudaha kana shaqeeya danaha guud ee deegaanka waamo.
2-In la sameeyo Xiriiriyo wada shaqayn Dowladda dhaxe ee Somalia TFG, Gobolada kale ee dalka, UN, IGAD, Wadamada Deriska iyo Dhammaan Wadamada –Haya’adaha daneeya arimaha Somaaliya.
3- In yagleelo guddi ka shaqeeya sidii loo hormarin lahaa arrimaha bulshada sida waxbarashada, Caafimaadka, in la helo Biyo nadiif ah, iyo Ilaalinta deegaanka.
4-Dib u dejinta Qaxootiga ka soo barakacay deegaanka Waaamo iyo Nawaaxigeeda Markay ku haboonaato.
5-Kashaqaynta dib u heshiinsiinta iyo walaalaynta si ay ugu wadanooladaan deris wanaag Deegaanka Waamo.
Shirkani oo ay ka soo qaybgaleen Waxgard ,Siyaasiin, Aqoonyahano Saraakiil Caan ka ah Deegaanka iyo Somalia ba.
Waxaa Ka mid ahaa xubnihii warbixinta iyo talooyionka wax ku oolka ah ka soo jeediyay 1-X/Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Warsame,
2- X/ Waziir Moxamed Cumar (DhigicDhigic)
3- Nabadoon Kediye Cali Huniye
4- Nabadoon Abdulaahi Nuur (Fara Cade)
5-Nabadoon Xaaji Cabi Yare
6- Nabadoon Nuur Ibraahin
7- Nabadoon Maxamed Saciid Ciise
8- Nabadoon Cismaan Ciise Ciro
9-Nabadoon Abdulaahi Cali Bare
10- Nabadoon Caabi Faarax
11- G/Sare Cabdirashiid Taabe
12-G/SareAxmed M Yusuf (Ahmed Baraawe)
13-Ganacsade SareAdan Dhegax
14-Abwaan Moxamed Jamac Guuleed
15-Prof. Cabirizaakh Janagale
16- X/ Duqa Magaalada Kismaayo Cabduqaadir Shalaq been
17- Ganacsade Axmed Indho Faynuus
18-Aqoonyahan Raage Saalah
19- Ganacsade Geele CabdiWeli
20-X/ Maareeye Dekadda Kismaayo CabiCusmaan Ciise (Cabdow)
21- Ugaas Aadan Baqoow
22- Samadoon Maxamed Saciid
Qore: Ahmed Yusuf

Walaalayaal horta kismayo meel qof waligii lahaanayo maha ee waa dhul hadba qofkii doorta degaankeeda uu degi karo kuna noolaan doono marka dadka kor ku liisgaraysan waa waa dad beri hore ku noolaan jiray oo hada ka tegay waxna ka ogayn, naftooda ayayna hafreen haddii ay yiraahdeen reer kismaayo ayaan nahay.
Ali