Kulanti wanaagsan dhammaantiin,qaylo Japantii Somaliland oo dibbad iyo gudaba cid iibsata la waayey
Noqotayna hadda quus ama mid hoos loo dhigo mararka lagu sheekaysanayo
Mukhaayadaha iyo meheradaha. Aan idiin ka waramo fashilaaddii ugu waynayd ee ka dhacday shirkii Feb23 ee London,ayaa u dhacday sidatan: Mr Silaanyo oo qalbigiisa iyo quluubtiisaba ay ka buuxday waa shirkii Somaliland lagu aqoonsan lahaa,balse warmo qabto ahaa ayaa ku kacay ficiladan.
Mr Silaanyo wuxuu is lahaa fadhiiso meel ku dhow David cameron,haddaad weydana hel meel ku dhow Hillary Clinton,Mr Silaanyo wuxuu kaloo is lahaa marka Shiekh Sharif hadlo adigaa ku xigaya oo gar ayaa la idiin qaadayaa ee bal maanta khudbad dheer oo aad u qaaya weyn halkaa ka jeedi oo ay ka mid tahay Burco,Berbera iyo Hargaysa wax dagaaloo ahi kama jiraan,Police iyo askar baanu leenahay,doorashooyin baanu samaynay,xisbiyo baanu leenahay IWM. Haddaba shuruudaha citiraafka lagu helaa kuwaas ma yihiin? Maya, haddaad akhrido U.N. charterka waxaa ka mid ah shuruudahaas aan kuu bilaabee dadka aad ka go’aysid waa inaad ka dhalasho duwan tahay,waa inaad ka diin duwan tahay, waa inaad ka midab duwan tahay iwm.
Markii Shiekh Sharif hadlay ayaa isaga loo yeedhiwaayey ,markii laba qof oo kale oo ka dambeeyey Shiekh sharif hadleen ayuu intuu is haynwaayey kacay oo afka dhegta u saaray David Cameron yidhi goormaan hadlayaa David? David wuxuu ugu jawaabay sawka madaxweynihii Somalia hadlay, wuu iska noqday oo fadhiistay,cabbaar markuu fadhiyey ayaa wuxuu gocday hadalkii Hillary Clinton ka dhawaajisay ama hadalkeedii ka midka ahaa annagu waxaan aaminsanahay in Somalia mid tahay.
Markii arrintu halkaa maraysay ayaa Mr Silaanyo mar labaad is haynwaayey oo kacay oo mar kale afka dhegta u saaray David oo yidhi David ma haysaa wax Tylenol ah? David C intuu aad u jalleecay buu yidhi ma kuugu yeedhaa Nurse ama 888 ,oo ka dhigan 911 ER call? Silaanyo wuxuu markiiba ku jawaabay Maya, David C, ayaa jawaabtiisu ahayd haddaba halkaagii ku noqo please,Mr silaanyo intuu si toosan isu taagay ayaa wuxuu eegay dadkii shirka fadhiyey oo dhan markaasaa wuxuu arkay Males Zanawi oo meel dhinaca midigta ah fadhiya iyo kursi bannaan oo ka dambeeya, Silaanyo kursigaas ayuu u guuray waxaana
idiin caddayn kara sawirka laga qaaday wafdiyadii shirka fadhiyey oo dhan iyagoo taagan waana ka Males daba taagan isagoo is leh ka fogowSomalida kale iyo David C. Sawirkaas waxaad ka heli kartaa”shirkii London” dabadeed riix “Image’ Ugu dambayntii Silaanyo isagoo weji jactadsan ayuu Hargaysa ku noqday iyadoo ay marba ku soo dhacayso koonfur iyo wuqooyi waa in wax loo qaybsadaa ama reer wuqooyi wada socda la helaa,Somalida walaalo ayaanu nahay taas oo ahayd mid aan hore loogaga baran,sheekooyinkaasina waxay dhinteen qarnigii 20aad.
Waxaan ku soo mayracayaa xaafado kale ayaad ku jirtaaye wixii aad gobol iyo degmo leedahay ayaad wax ku helaysaa oo qudha haku deeqdo taasi.
By Abdirizak Dalmar
