Soomaalida Islii Ku Nool Diintana Isku Khilaafsan, Maxay Keeni Kartaa?

Wax weliba oo dunida guudkeeda saaran waxay yeelan karaan hab-dhaqan nololeed iyo muuqaal la dareemi karo oo xarakaat leh oo qaab-ahaan inta loo kuurgalo ayaa sidey u yihiin loo tacbiirin karaa, sidaa-awgeed, Soomaalida Nairobi ku nool khaasatan degmada Islii ayaa lagu sheegaa dad shaqaysta oo ganacsiga ku hormarsan oo diinta barashadeeda iyo wacyi-gelinteedana ku fiican, balse marka loo kuur-galo dhanka wadaaddada imaamada ah aan quluubtooda isku fiicnayn iyo khilaafka ka dhex-taagan  -  arrintaasi dadka Islii deggan Maxay u keeni kartaa?
 
Colaadda iyo kala qayb-sanaanta arrinkaasi ka ooggan waa mid xaqiiq ahaan dadka laga wada dareemi karo, hase-yeeshee degmada Islii (Eastleigh) oo Soomalida sida xad-dhaafka ay ugu soo qul-qulayso iyo qaabka loogu nool yahay haddaan dib ugu yara laabto marka hore waa degmo ka mida deeganada magallada Nairobi ay ka kooban tahay, aas-aaskeedun muddo hal qarni ah ayaa laga joogaa, inkastoo dherer ahaan aysan ka badnayn afar mayl, ballac ahaanna iyadun ay ka badnayn hal mayl, haddana saddex qaybood oo kala ah section one, section two iyo section three ayuu deegaanka Islii u qaybsan yahay.
 
Sidoo kale, degmada Islii waxay kaloo leedahay laba waddo oo laga soo galo loogana baxo oo kala ah: 1st avenue iyo 2nd avenue iyo waddooyin yar-yar oo gudub-gudub ahaan u jara oo loo yaqaan streets sida: 2nd street, 3rd street, 4th street, 5th street, 6th  ilaa laga gaaro 12th street iyo kuwa kale oo wada sidaasoo kale  ah.
 
Hase-ahaatee, khalqiga meeshaas isugu yimid iyo saxmadda ka jirta iyo ganacsiga ka socada iyo qaabka waddooyinka iyo dhinacyada lagu lugeeyo ay u bur-bursan yihiin runtii waa mid aan la is garab dhigi karin, sababtuna waxay tahay xilliga roobka uu ka da’ayo Islii qashinka iyo qurunka isku dhiiqoobay ayaa meel laga maro aysan lahayn oo xilliga qorraxda ay jirtana boorka iyo siigada ayaa iyaduna markeeda waddooyinka aan la mari karin.
 
Isbeddelada iyo dhismooyinka halkaasi ka socda ma aha iyguna wax kow iyo labo lagu soo koobi karo, maxaa-yeelay inta guri dhismihiisu uu gaaban yahay la bur-buriyo ayaa markiiba loo beddelaa guri dhererkiisu aan ka yarayn ilaa toban dabaq, taasoo sababtay – halkii loogu tala galay degmada Islii inay ku noolaan karto ilaa konton kun oo qof ayaa hadda lagu qiyaasaa in ka baban hal milyan oo qof inay ku nooshahay oo ushii kor loo tuuro aysan dhulka ku dhacayn.
 
Soomaaliduna maankeeda ayaa sidoo kale ku duuggan degmada Islii inay tahay buqcad iyagu ay leeyhiin oo loo aqoon sanyahay oo si xad-dhaaf ah oo isku hallayn ah badeecooyin nooc-walba isugu jira isaga bada keena oo tartan ganacsi iyo mid maalgelinba ka wada, dadkii dhulka u dhashay oo ka awoow-ka-awoow ku abtirsanyey ee loo yaqaan (indigenous people) ayaa gebi-ahaanba ka nabaad-guuray deegaankaasi.
 
Intaa waxaa u sii dheer, dhaqan ahaan Soomalidu oo aaminsan inay ka dhalad iyo nasabadba fiican yihiin  dadka reer-kenya (KENYANS)-ka  oo waxay u arkaan dad  maskaxdoodu hoosayso oo caqli weyn aan lahayn, sidaa-awgeed waxay ugu yeeraan oo ay u yaqaanaan Addoonta oo Soomaali sheekheeda iyo shariifkeedaba magaca in la adeegasado aysan meel ka dhac u arag balse ay la tahay hibo ay kaga sarreyaan ummadahaasi.
 
Ha-yeeshee, si kastoo ay ugu suura-gashay Soomalida inay ka manafacaad-sadaan kuna noolaadaan Deegaanka Islii oo meel ay joogaanba isugu yeerteen, ayaa haddana siyaabo iyo qaabab kala duwan ay ugu kala noolyihiin oo ka mid ah: dad hantiilayaala oo beecmushtar leh, dad biilashooda xawilaadyo ku xiran (heerkay u gaartaba) iyo qaar ay noloshooda ay dayacan tahay oo caruur iyo haween isugu jira oo qofkay arkaan gacmaha u hoorsada oo waxay tuugsi ku helan isaga nool.
 
Dad labaataneeyo boqolkiiba la dhihi karo oo Islii ku nool ayaa iyaguna jira oo jahadii nolosha ka wareertay oo meelay aadaan  iyo waxay qabtaan garan waayey oo mooraal jab ku dhacay oo dhafar iyo diif mar-walba ay ka muuqato oo habeen iyo maalin qaad ruugiddiis u fadhiya oo dhalanteed iyo khayali isaga nool, sheekooyinka inta badan ay ku marqaamaan ay ugu xoog badan tahay meherdda burcad badeedka iyo dhaqaalaha laga helo iyo weliba burcad badeed inay yihiin mustaqbalka ugu wanagsan uu qof wax ku noqon karo.
 
Soomalida inta qaad-ka u go’doontay marka laga soo tago, dadka  intiisa kale wuxuu usugu biyo-shubtay dhanka wadaadnimada oo micnahheedu yahay dad akhlaaq diin leh oo aan qaadka cunin oo dhaqan wanaagsan, ha-yeeshee  fursadaas halkii layssugu naxariisan lahaa oo laysugu soo dhowaan lahaa, ayaa nasiib darro diintii lagu beddeshay cuqdi iyo cadaawad in laysu qaado oo lagu sii kala fogaado oo afarta misaajid oo Islii ugu caansan ayaa loo kala qayb-samay oo qolo weliba laba misaajid ay u gaar tahay.
 
Misaajid-yada 3rd  street iyo 12th street ayaa lagu riixaa kooxo loo yaqaan babul –suufi oo lagu yaso dad kala daadsan oo digriya oo diinta si fiican aan u aqoon oo waxay la socdaan aysan jirin oo waqtigoodii uu dhammaaday, iyaguna  kuwa ka soo horjeeda ay ku tilmaamaan bidco wahabiyiin ah oo arxan-laawayaal ah oo diinta meel uga dhacay oo falsafad dantooda ah ugu adeegsada.
 
Sidaa si la mida, ayaa masaajidyada 8th street iyo 6th street iyaguna looga dambeeyaa kooxda
wahaabiyada lagu tilmaamo oo halgan fogna ugu jira Babul-suufiga gebi-ahaamba sidii loo cirib-tiri lahaa oo inta raacsan iyo labada misaajid ay ku magacaaban yihiin gacanta lagu dhigi lahaa,  maxaa-yeelay wadaaddada Baa-bul suufiga ayaa laga fahamsan yahay dad si aan diinta  waafaqnayn wax u faa-fiya oo dadweynihii magaca iyo maamuuska ay ku lahaayeen laga wareegay oo haddana looga sii i dheereeyey dhanka (besiness)-ka  iyo weliba macaamilaad-ka lala leeyahay dad-yowga Carabaha.
 
Masjidka Six-ka loo yaqaan haddaan tusaale u soo qaato markiiba waxaa ku tukan kara  ugu yaraan laba kun oo qof, inta sida joogtada ugu xiran – intooda badan waa dad dabeecadddoodu ad-adag tahay oo xir-xiran oo qab iyo isla qumanaan ay ka muuqato oo ladnaan iyo hantiilyaal sidoo kale ay ka muuqato, labbiskoodana uu u badan yahay khamiisyo midabadoodu isugu jira caddaan, madow, dahabi iyo noocya kale, xulufo ahaantooda wixii ka baxsan waxay u arkaan wax aad u liita oo dhanka diinta aysan u sax sanayn oo aayatiin wanaagsan aysan lahayn oo haddii qaran iyo qaddiyad soomaaliyeed  laysla soo qaado aysan aamisanayn oo mentaalitooga ku dhisan – sida guud oo Caalamul-Islaam uun wax loogu qaban lahaa oo keliya.
 
Way jiraan dad  aan sidaa u sii badnayn oo Islii ku nool oo dhex-dhexaad ah oo misaajidyada Ilaahay isugu mid ah oo waxa socda aan shaqao ku lahayn oo isu uur-fiyow oo weji furan isku salaama iskuna soo dhoweeya oo kol-walba ay ku taagan tahay dar-xumida shacabka soomaliyeed haysta iyo sida dhibka lagu jiro looga bixi lahaa oo dalkii loogu noqon lahaa oo calankii Somalia dib loogu taagi oo dowlad iyo  qaran loo samaysan lahaa, hase-ahaatee iyaguna fekerkoodaas ay wataan oo lagu tilmaamo WADDANIYAD iyo WADDAN-JACAYL, dadka wadaaddada ah fekerkaas iyo wacyi-gelinta noocaas iyaguna waxay ku micneeyaan afkaaro iyo dhaqamo  gaalo laga minguuriyey oo markeedii horeba dadka lagu khaldi jiray oo lagu lumiyey.
 
Marka la soo qaato adeegyada xawilaadaha, sarrifka lacagaha, shirkadaha is-gaarsiinta, daaraha dhaa-dheer ee dhisanyo iyo gancasiga intiisa kale oo ka mida maamulada hoteelada iyo shirkadaha wax dhisa iyo sidoo kale madarasooyinka, wacyi-gelinta iyo wax u sheegga dadweynaha oo geddigoodba mas’uuliyaddeeda ay wadaaddadaas gacanta ku hayaan, ayaa haddana dadkii deggenaa Islii ay isu jirran yihiin oo qolo-qolo iyo reer-reer ahaan street-yada iyo makhyadaha laysugu yimaado ay u kala qayb-qaybsan yihiin, taasoo ugu wacan – wax la yiraahdo: Qaran iyo Qowmiyad Soomaaliyeed sidii lagu gaari lahaa oo (sociology) ahaan dadka maskaxdoodii oo laga maan-guuriyey
 
Mas-alo diinta ku saabsan oo laysku mari waayey markii laga soo gudbo, wadaaddadu kama dhaxayso aragtiyo kale iyo dan guud oo macaamil ah labada dhinac  inay wadaagi karaan oo sidoo kale ay dadkana ay u muujin karaan iskaashi iyo midnimo inay ku wada noolaadaan – oo aan ka ahayn iyaga dhexdooda oo qoloba qolada kale ay microphone-ka ay u haysato inaan la raacin oo waxa sheegayso aan laga dhagaysan oo colaad iyo xumaan laysugu ficiltamo oo weliba dacaayado xun-xun iyo ereyo aflagaaddo laysu gudbinayo.
 
Sida caam ahaan looa wada ogsoon yahay, TUSBAX waala qaadan karaa iyo lama qaadan karo iyo sodoo kale IXTIXAAL_KA MOWLUUDKA waala samayn karaa iyo lama samayn karo oo ka mida waxyaabaha ugu ba’an ee dadka wadaadda ah ay dhabarku isugu jeediyeen – ifkna isugu naceen, ayaa dadweynihii iyaguna ku kalliftay labada dhinac inay u kala jabaan oo mar-walba ka sheekaynta iyo  ka ficil-tanka arrinkaasi ay dadku u horseedday in lagu kala dhinto oo weligeedba aan laga bixin kala qaybsanaan iyo is nacayb.
           
Hayeeshee tan ugu daran oo tusaale loo soo qaadan karo ayaa ka mida, sanad-walba oo xuska mowluud-ka oo ku saabsan (DHALADHADA NABIGA SALLALLAAHU CALAYHI WASALLAM)  iyo siiradiisa oo lagu qabto misaayidyada 3rd-ka iyo 12th-ka ayaa deegaanka Islii laga dareemaa dhaq-dhaqaaqyo iyo xarakaat-yo dadka khal-khal iyo cabsi geliya oo xitaa ciidanka amniga Kenya si khaas ah ayey amniga maal-mahaas u ad keeyaan si  wadaaddada xargaha isugu goosan, haddaba xiisaddaas taagan markii la eego ayaa ugu dambayntii laysweydiin karaa haddaysan Dowladda Kenya aan lagu baxsan lahayn halkaasi maxaa ka dhici lahaa – nolsha Islii ka jirtana iyaduna maxay ku dambayn lahayd?  
 
C/SALAAM OSMAAN,
Memphis, TN-USA,

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS