Az Stars oo maanta kabadisay kooxda kubadda cagta Maine

Xiddigaha Arizona ayaa galabta kaguuleeystay kooxda Maine 7-3 soona bandhigay ciyaar qurux badan oo dadweynaha Ohio 800 qof oo daawaneysay ciyaartaa  xidigaha arizona usacab tumay. kooxda oo soo bandhigtay ciyaar wanaag iyo xarfad isla markaana umuujiyey dadweynaha ineey koox adag yihiin, hase ahaatee waxaa Az Stars laga badiyey 2 ciyaarood oo hore 6-5 Hilaac Ohio iyo TSS  5-3 taasoo kareebtay qeeybta isreebreebka jiirooniga Ohio. Kooxda TSS tababareheeda Mudane Ciise wuxuu sheegay ineey nasiib daro kudhacday balse kooxdu aad uwanaagsantahay asagoo gaar ahaan Xassan Timodheere, Barkhad iyo Ahmed (Yo) gaar farta ugu fiiqay.

Waxaa kale oo Xiddigaha Arizona Az Stars uhambaliyeeyey Mudane Farmaajo, raiisul wasaarihii hore ee Soomaliya isla markaana 2 kamid ah laacibiinta kooxda Barkhad iyo Xassan Timodheere ku canaantay kuna baraarujiyey ineey timaha dhaadheer  iska jaraan ayaguna isla markaa canaanta qaatay.

Kooxda caawa waxaa casho sharaf usameeyey gudiga iyo maamulka ciyaaraha kasocda Ohio gaar ahaan Mudane Bashiir Geelle, waxaana kakhudbeeyn doona Mudane farmaajo. Az stars waxeey kusoo noqon doontaa magaaalada Phoenix, Arizona maalinta Axadda haduu ilaahay yiraahdo.





dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS