codkawaamo
Waxaa maanta tababar loo bilaabi doonaa koox cusub-kubadda cagta ee magaalada Phoenix, Arizona laga asaasay. sida aad ula socotaan soomaalida gobolka Arizona kunool oo tiradoodu dhaaftay 11,000 qof ayaa muujiyey baahi dhinaca sportiska, gaar ahaan da’ yarta kunool Phoenix iyo nawaaxigeeda.
Kooxdan la asaasay waxay la magac baxday ”young stars” da’ dooduna waxay kayartahay 12 sano.
tababaraha kooxda Gardaro oo kacodsaday dhalinyarta magaalada kubada ciyaarta iyo kuwii horey uga fariistay ineey kacaawiyaan tababarka kooxda young stars. waayo waa koox cusub, waxay ubaahan yihiin wax walba oo jaaliyadda eey kutaakuleeyn karto.
Gaar ahaan dharka kubadda, kabaha, qalabka tababarka, kubadaha, iyo dhiiro gelinta kurayga yar yar. dhamaan waalidiinta Phoenix dagan weey keeni karaan ubadkoodu, wax khrash ama lacag laga rabana majirto, kaliya da’da waa ineey noqotaa 9-11 jir.

