Raxmada Eebe ayaa ka curatey galabta 19,April 2012 magaalada madaxda Puntland ee Garowe iyadoona siweyn dhowaanahn loo hadal hayay imaatinka xili roobaadka Guga.
Ka hor inta uusan da’in roobkan oo muddo saacad ku dhow soconayey ayaa waxa jirey dabeyl aad u xoogan oo ka soo horeysey.
Dhamaan wadooyinka iyo barxadaha waaweyn waxa buux-dhaafiyey biyihii roobku dhigey ,dadkuna waxay iskugu hanbalyeynayeen raxmada Eebe ku manaystey.
Hawlwadeenada Radio Garowe waxay soo sheegayaan in sidan oo kale roobab culusi ka curteen deegaano ka mida Puntland sida Nugaal qaarkeed,Soolka iyo weliba dhul ka tirsan gobolka Sanaag.
Degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa iyana galabta roob mahiigaan ahi qabtey.
Dowladda Hoose ayaa lagu soo waramayaan Garowe inay durba guda gashey biyaha inay ka leexiso wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka xarunta Puntland ee Garowe.
Maalmihii ugu danbeeyey ayaa Garowe waxa ka jirey kul aad heerkiisu u sareeyo waxana dad badani ku diirsadeen roobkan Alle adoomadiisa u soo dejiyey ,iyagoona looga mahadceliyey Eebe raxmadiisa.
