CODKAWAAMO
xiddigaha kubadda cagta soomaalida arizona AZ STARS ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Phoenix, ayagoo kuwajahan magaalada Columbus, Ohio iyo tartanka kubadda cagta ee jaaliyadaha waqooyiga mareykanka.
Waxaa tartankan uu soo lughayaey muddo 12 sanno, isla markaana eey kasoo qeeyb galaan kooxaha waaweyn ee Soomaalida kunool cariga Mareykanka. waxaa kamid ah kooxahaas oo hada AZ Stars isku group yihiin TSS, Waa kooxda aan mataanaha nahay,Maine Fc, iyo Hilaac Fc.
Kabtanka kooxda Az Stars MAHAD Wuxuu codkawaamo usheegay in, ”wax caqabad ah eeysan kahor taagneeyn qaadista koobka Ohio, dhalinyartu waa diyaar, niyadoodu weey dagan tahay, lama yaqaan oo kooxdu kulankan Ohio weey kucusub tahay markaa kooxo badan weey yaabi doonaan.”
Tababare Gardaro wuxuu yiri,” Dalxiis uma socono, hadaf beeynu leenahay waa inaynu kuguuleeysanaa, waayo dad badan oo ree Arizona ah ayaa kooxda raacaya waxaan rabnaa farxad ineey kusoo noqdaan, isla markaana kooxaha kale arkaan AZ Stars iyo kubbada eey kooxdu ciyaarto.
Cabdirizaq T

