Askari u dhashay Uganda oo lagu helay dambi ah inuu rasaas ka iibiyay Wiil Soomaali ah

Askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ayaa lagu helay dambi ah inuu ka iibiyey wiil Soomaaliyeed rasaas.

Askarigan oo lagu magacaabo Mubarak Magiri ayaa guddi dhinaca Anshaxa u qaabilsan ciidamada AMISOM waxa uu ka hor qirtey in uu ka iibiyey wiilkaa Soomaaliyeed illaa iyo 35 xabo oo rasaas ah bishii March ee sanadkan.

Askarigan ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah waxana laga eryey ciidamada kadib markii uu ceeb u keenay ciidamada Uganda isla markaana ku kacay falal uu ku qiyaanay qalabka ciidan ee lagu aaminay.

Hase yeeshee askarigan ayaa racfaan ka qaatay xukunkiisa isagoo haatan ku sugan dalka Uganda sida ay daabacday allafrica.com. hase ahaatee lama shaacin in wiilka uu ka iibiyey askarigan rasaasta uu xiriir la leeyahay ururka Alshabaab oo sida xoogan ugaga soo horjeeda joogitaanka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Balse maamulka milatariga dalka Uganda ayaa sheegay in askarigan xukunka lagu riday uu ahaa mid qafiif ah oo aanba ku habooneyn in lagu rido askari dambi sidaa oo kale ah gala.

Qareen u doodeysa askarigan ayaa waxaa ay sheegtay in aysan ahayn in askarigan la xukumo maadaama uu howlo ku jirey.

Askarigan ayaa fadeexada uu ku kacay waxa ay tahay mid ceeb iyo sharaf dhac ku ah ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Waxaana arrintan soo shaac bixideeda ay ku beegantay xilli marba marka ka dambaysa la soo kordhinayo tirada ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee ciidamada AMISOM ayaa hore dhowr jeer waxa ay uga cawdeen in aan la siin mushaaraadkooda.

Waxaana shalay kulan ka dhacay dalka Kenya lagu sheegay in ururka Midowga Yurub uu kordhinayo lacagaha uu ugu deeqo ciidamada AMISOM maadaama haatan la soo kordhiyey ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Soomaaliya.

jowha

 

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS