GAROOWE : Kulan lagu xusey Maalinta SYL loogana hadley sida ay dhalinyaradu uga qeyb-qaadan karto ka hortaga dagaalada Beelaha (Sawiro)

Garoowe:-Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa maanta waxay xustey maalinta dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL iyada oo xarunta kulan loogu qabtey dhalinyaro badan. 

Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke ayaa waxa uu sharaxay taariikhta dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la dagaalantey gumeysihii dalka heystey ee SYL, waxaana uu sheegey in dhalinyaradaasi ay ahaayeen kuwo aan isku raacin qabiil ee isku raacay sidii loo xoreyn lahaa dalka Somaliya.

Mr. Shuuke, waxa uu dhalinyaradda ku dhiiriyay in ay ka qeybqaataan horumarka dalka, ka hortaga colaadaha soo noqnoqda ee beelaha si loo gaaro horumar ballaaran.

Kulankan, ayaa lagu qaadaa dhigayaa sida ay Dhalinyaraddu uga qeybqaadan karaan ka hortaga dagaalada beelaha ee soo noqnoqda.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS