Kulanti wanaagsan dhammaantiin,maanta waxaan rabaa inaan ka hadlo 4 qodob si kooban.
1- Khatumo oo ciddad baxday
2- Fallaagada yar ee boqorka xaska u galay
3- Kooxaha diidan ansixint dastuurka qabyada ah ee Federaalka
4- Daba-shabeelinta Somaliland.
1- Khatumo waxay hadda jirtaa 4 bilood + , Sida diinteena suubani inoo sheegtay waxay tiri dadkii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow markaad dumarka furaysaan “ciddad bixiya”,furriinku labada dhinacba waa ka yimaadaa,mar haweenayda ayaa codsata in la furo,marna xagga ninka ayey ka timaadaa haddaba waa maxay ciddad?
Ciddad “ waa ilaa waqti 3 bilood ku siman arrin socotay ama bilaabmaysa lagu ogaan karo in arrinkaasi shaqeeyey ama loo baahanyahy in go’aan kale laga qaato”3daa bilood gudahooda waxaa la eegayaa inay soo baxaan dhawr calaamadood oo ay ka mid yihiin : a- in gabadha uur ku soo baxo waayo gabadhu ma furmayso haddii ay uur leedahay, b- diintu waxay kaloo ina faraysaa Illaahay ka baqa,dumarkana guryaha haka saarina,iyaguna yaanay ka bixin muddadaa cayiman waayo waxaa dhici kara waxyaabo aan idinku ogaan karin oo waxaa laga yabaa in Illaahay labada qof qalbiyadooda isu soo jeediyo,wixii horena ka saaro.(waxaad ka fiirin kartaan suuradda 65aad aayadeeda 1aad). Gaaladuna way isticmaashaa Ciddada sida markay ku siinayaan shaqo waxay ku gelinayaan 3bilood oo ay rabaan inay ka baaraan degaan inay kaa dhigaan shaqaale rasmi ah iyo inkale.
Waxaas oo dhan waxaan uga socdaa Khatumo 3dii bilood way dhaaftaye maxay qabatay? Maxayse qaban? Waddo cadse ma haysaa? Khatumo waxaa loo idmaday inay qabanayso hawshii ay Puntland qabanwayday oo Lascanod iyo dhulkii ayey xoraynaysaa,laakiin waxay noqotay mid loolan siyaasadeed kaga jirta Mogadishu iyo Nairobi oo dhinac isaga leexisay Lascanod iyo arimaheedii, iyo weliba wacyigelintii iyo isu soo dhirindhirintii iyo isu soo dhoweyntii dadkii kala baadiyoobay.
Waxba yaynaan Riwaayaddii Qabyo 2 isu dhigin , bal taariikhda eega iyo qarniga la marayo ma wax indhaha laga qarsan karaa,Telephone ma leh,Tiindho(xafiis) ma leh,Saldhig police ma leh,Sharci iyo dastuur ma leh,Xildhibaano ma leh IWM, waxayse leedahay 3 madaxweyne oo mid walba jeebkiisu xafiis u yahay,waa maxay maamulka noocaas ahi? waxaa fiican intaad been ku seexan lahayd runta oo ku dakharta, innagoo ogayn sidii lagu sameeyey qofkastoo qaan-gaadh ahina markhaatiga ka ahaa: Talo xumadii, Indha-iska-tuurkii, Istabcayntii , Isjujuubkii, Is-af-duubkii, Isu joojinwaagii, Ciidan-isku-xeerkii, Isimada la dirirkii, Cidla-isu-jahayntii, Dan iyo run iska xoorkii, Caadifaddii jaan, Caashaq-ku-dhaashigii, Dagaalada ka orodkii, Dano kale ku cararkii, Magaceenii diidkii(darwishland,Darwish state of Somalia)IWM,lama soo koobi karo wixii Taleex ka dhacay. Rabbi wuxuu igu ogyahay Lascanod way ka sii dartaye kamay soo rayn,Lascanod way sii fogaataye kamay soo dhowaan,Lascanod oo laga sii baqo mooyee laguma sii dhiiran, waxaadba moodaa in afka iyo uurkuba leeyihiin Lascanod sideedaa ha ahaato reer Buhoodlana yey ledin.
Waxaanse aad ula sii yaabaa “U xiniinyo weynaanta Garowe iyo 3jeer abhinta Hargaysa ”,waxaan odhan lahaa haddii qori cabbaysni jiro meeshuu istaahilo ha lagu rido,waxayna ila tahay qofna qofkale ama cidkale ma jeclaysiin karo mana nebcaysiin karo wuxuu doono.
2- Fallaagada yar ee boqor Abdillahi xaska u gashay waxay fajac iyo filanwaa ku reebtay dad badan oo qoyskiisa ah iyo Dhulbahante badan oo raas walba leh nimankaas boqorka beent ku liiliijinaya waxaa la odhan karaa goosan yar oo ay isticmaashay Budhcad Saxaafadeed Asqaysan,haysana aqlabiyada reerka boqorku ka soo jeedo waxaana markiiba caddeeyey odoyaash ka hadlay ee genefka ku dhuftay ra’yigoodii gaadmada ahaa.
Waxaase ammaan mudan qofka ama isimka aragtidiisa ama mowqifkiisa caddaysta waxaase ugu daran kuwa ku nool Beerka jecli Xaydha jecli, midna hala ogaado boqorku ma aha sidii xildhibaan marna la doorto marna la rido,welina lama hayo meel reerkaasi isugu yimid oo ku shiray, odoyaasha beesha Hayaag mahadnaq ayey mudan yihiin.
3- Kooxaha diidan ansixinta dastuurka qabyada ah ee Federaalka, mid waa la garan karaa qodobkaas iyo qodobkaas ayaa xuquuqdayda ama diinta ka soo horjeeda ee hala saxo,laakiin dastuur ma rabno waa waxaan loo dulqaadan karayn waxayna taasi ka turjumaysaa aqoon la’aant dastuurku wuxuu yahay ka haysata iyo in dalku mugdi iyo dhibaato ku sii jiro,dadkaasi waxay u baahan yihiin inay tagaan dhakhtarka xayawaanka lagu daryeelo(the Animal’s Hospital to get treatment) cidduu doono Somali haka ahaado.
4 Daba-shabeelinta iyo dib u gurashada Somaliland waa mayadii lagu yaqiin,waana mid la filayey,bulshada caalamku waxay tiri Somaliyey wada hadla,maysan odhan koonfur iyo wuqooyi u wada hadla waxaana macnuhu udhacayaa inta Somalinimada diidan iyo inta Somalinimada ogol u wada hadla ,beelaha wuqooyi dega eega reer Las-anod,reer Las-qorey,iyo reer Boorame dhammaan waxay jecel yihiin midnimada Somalia iyo inaan dalka la kala qoqobin.
Ma garbaa amase xaqbaa nin Somalidiid ah ayaa metelaya nin Somalidoon ah,aniga hadalkaasi wuxuu ila yahay hadal Fircooni ah,maskaxda binu-Adamkuna way ka biyo-diidaysaa, beel qudha ayaa beelaha kale oo dhan khasbaysa,Fircoon oo Illaah abuuray ayaa Illaah sheegtay hadal hadduu isugu jiro been iyo islaweyni waa hadal Fircoonia ah.
Dawladda Federaaka ah waxaan ku buurinaynaa inay go’aamadeedii ku adkaysato oo hal beel ku khasbin bedel hebel ,hebelna bedel, loomana baahna wada hadal degdeg ah waqtigan adag Siilaanyo iyo kooxdiisuna nabadda iyo wanaaga isma yaqaaniin, Halaga dhursugo beesha kale ee xukunka qabsandoonta,iyadaa runta uga dhowe.
Waxaa hadal igaga dhan yahay kolley Dhagaati ku tahay soo hela Irbad Dun la geliyey, runtuna nin walba kama qosliso.
ByAbdirizak Dalmar

Runtii maqaalkan aad iyo aad ayaan ugu maqsuuday, sababtoo ah wax cad ayuu inoo sheegey wallaal keen Dalmar, marka dee ragu runta kama war wareegaan waa hadal nin weyn yiri qofkii wax ku qaadanaay. brother kheyr alla ha kugu bedelo iyo xasanaad waana daada.
waxa uu sheegay been iyo nacayb nimaddii ay majeerteenku uqabeen dhulbahantaha waayo lama arag nin leh ninkaas waa walaalkay hadana ku diirsanaya dhibkiisa majeerteen ka horow adeer ma jeertoonoow waxaan idiin sheegayaa in dhulbahante tashaday oo deegaanadiisa u tashaday kana tashaday labada cadow ee kala ah isaaq iyo majeerteen haddii aad ku quusanaysaan iyo haddii kale ba waxaanna idiin sheegayaa haddii aad ku sii wadaan af xumad in aad keenaysaan isku dhac waadna ogtihiin in xabad reer khaatumo ay aad ukulul tahay ee waxaan lee yahy adeer xiqdiga iyo xaasidnimada la ‘aada meelahasaaa
hadaad reemaha naaguhu dibada ka garaacayaan dowladnimo moodayna maaha bahashu saas. anagaa kubaraynee gurigaaga kasoo bilow siyaasadiina hadaad nasabnimada ad sheeganaysan runtahay balcar siyasadiina cayda kareeba maanta waxaan arkayay wabseed aad ku caayaysaan suldaamo dhintay oo harti ah waana kuwii idiin talin jiray marka nin loo talin jiray oo yiri waan talinayaa muxuu keenayaa meesha. cuqubo awoowayashiin baa idin haysa. ala hawnaxariisto suldaan maxamuud cali shire alaah ya raxmu iyo boqor cismaan. bal idin ku dib isugu noqda caydaan iyo waxaan idinka daadanaya intiina khaldan. soomaali diidkan iska xoreeya hada ayaabad baryay saane wabilahi tow fiiq.