Maareegta Codkawaamo waxay tacsi u direysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Haji Ibraahim Uunlaay, Alle janaddii fardowsa ha ka waraabiyo Amiin.
Waxaan sidoo kale dadka reer Kismaayo u soo jeedinayaa iney Marxuum Haji Ibraahim Uunlaay u duceeyaan in badan waayo magaalada Kismaayo ee goor iyo ayaan aynu ku taahno inta ay ku dhaq dhaqaaqeyso waxaa u sameeyey marxuum Haji Ibraahim Uunlaay, haddey noqon laheyd Cisbitaalad sida kan Tiibishada ee xaafadda calanley cisbitaalka guud ee Kismaayo, Kii Ibiritooriya. Mishaajiddo sida kan jaamaca ee u dhow isteeshinka booliska IWM.
Haji Ibrahim Uunlaay Alle ha u naxariisto wuxuu ahaa bud dhigihii Shirkadii Kujuu, oo aheyd oo shirkad intii la doono wax weyn ka qabatay dhanka horumarinta magaalada Kismaayo inteey jirtay. haddeey noqon la heyd shoqo u abuuridda dadka deegaanka ku dhaqan.
Waxaa Marxuum Haji Ibraahim Uunlaay halkan duco uga diraya.
Author Adan Ugaas Mohamud Boqow
Mustafa Mohamed Haji Afbalaar
Ali Saciid Nacnac
Abdi aziz isma’il Saciid Beeldaje
Bashir Abdi sheekh Doon (Bashiir Aboow)
Abdirahman Dawaare (Hiitaash)
Fiiro -gaar ah
Fadlan ducada ku qor halka hoose ee comments ka
