Cculimada Sayniska ku xeesha dheeri waxay xaqiijiyeen shayga adduunka sida ugu fudud oo waqti gaabani ku jiro oo daqiiqado ku siman,la bedeli karaa,la khaldi karaa,la khayaamayn karaa,ama wax lagu shuban karaa ,ay tahay maskaxda.
Dadka waxaa malab iyo sonkor loo mariyaa waxa uu jecelyahay inuu arko ama helo,laakiin waxaa jira tabo iyo xeelado kale oo dhedo kaa qarinayso,kala dagaalanka dadka dhinaca maskaxda ama fekerka waa cadowga ugu weyn ee qofka binu-adamka ahi yeelan karo,iyadoo laga ilaalinayo in qofku si xorriyad ah maskaxdiisa u istimaali karo,oo lagu furo hadalo badan,dacaayado,iyo cabsigelin haddii loo baahdo,waxaa la mid ah siyaasiyiinta oo waxay kaa abbaarayaan meesha aad u jilicsan tahay si aad u taageertid ujeedooyinkooda qarsoon,iyagoo dantoodii gaarka ahayd Gambise ku daboolaya si aan loo arag ama maqal,waxaa taa la mid ahayd aafadii iyo luggooyadii ka dhacday Taleex.
Aan soo qaadano 2 tusaale mid maskaxda ah iyo mid jidhka ah, 1- dagaalka maskaxda: shirkadaha waaweyn ee maalqabeenada ah waxay TV da gashadaan Xayaysiisyo qurux, midabyo,music,iyo iftiino badan loo dhammeeyey oo socda waqtiyar,balseay ku bixiyaan malaayiin lacag ah marwalba iyo gaar ahaan mararka ay socdaan cayaaraha sida: the World Cup,the Olympic games,the Super Bowl,the NBA games iwm,markaa waa inaan fahanaa ujeedada ka dambaysa ,waxaan odhan karnaa waa marka dad aad u badani daawanayaan cayaaraha caynkaas ah,shirkaduhu waxay filayaan inay helaan dad badan oo xayaysiintaa daawaday oo macaamiil u noqda si ay uga iibshaan alaabtooda,markaa waxaa halkaa ka cad in maskaxda dadka sidii la doono loogu cayaari karo.
2- Dagaalka jidhka: la dagaalanka jidhka ama qaabaynta jidhka (if you wanna be on deit) waxaa laga yaabaa inaad samayso waxyaabaha soo socda midkood sida: orodka,sosod badan,cayaaraha kubbada,GYMka iwm,ka soo qaad inaad rabto inaad xoogaa baruur ah iska jarto ama miisaankaaga hoos u dhigtid,waxaad u baahantahay inaad waqti dheer oo isdaba joog ah gelisid,sidaa awgeed waxaa halkaa inooga muuqata in dagaalka jidhku ka adag yahay dagaalka maskaxda una baahan yahay waqti badan sida ayaamo,asbuucyo,iyo bilo, balse dagaalka maskaxdu qaato muddo il-bidhiqsiyo ah,daqiiqado,ama saacado.
Aan ku soo noqdo mowduucii,Dhulbahante dagaal ayaa idikaga socda dhinaca maskaxda garo ama ha garan,Dhulbahante caqligiisii iyo maskaxdiisii wuxuu noqday meel nin waliba intuu cajalad soo duubto uu gashado,iyadoon la isweydiin faa’iido iyo khasaare intee le’ eg ayaa ku jira”,waxaa la yidhi ninka indhahala’ marka dhirbaaxadu ku dhacdo ka bacdi ayuu gabadaa” waxaan ogaaday in Dhulbahante badankiisu wax garto sidii ruux indhala’ marka dhirbaaxada lala helo,waxaa kaloo la yidhi “Bisaddu waxay aad u jeceshahay Kalluunka, waxayna aad iyo aad u necebtahay Biyaha”,ma jecla in bar Biyo ahi ku duusho garanwayday sidii ay labadaa arrimood isugu keenilahayd, waa xaaladda adag ee Dhulbahante ku jiro maanta oo kale, been badan iyo indho-sarcaad midkoodna geel ma soo dhiciyo.
Dhulbahantow ismaqalkii iyo wanaagii shaqaynwaaye bal aan dhadhamino Caanaha xumaha xabadda laga soo liso,waxaase la yaableh Khatumo markay Somaliland maqasho maxay Beerta u gashaa ama cagta u dhiibisaa ma sidaasaa idinka dhab ah, waxaan kaloo garanwaayey sababta Khatumo dadka madaniga ah xabadda ula dhacayso,waxaa la yidhi dibindaabyo ninkii korsadaa leh, weligood iyana iskama dilin sokeeyana kama dilin inta Khatumo ka dishay ama ka dhaawacday reer Taleex iyo Tuaraq, waxaadna moodaa in Khatumo khayrkaba ka jeceshahay sharka.
Haddaad aragto Awr si xun loo raray meel xun buu reeryada dhigaa,bilowgiiba Khatumo dad baa sidaa u arkayey,haddii qalbigu ragaado ama naafo kaa gaadho,illayn waa tanoo kale, Khatumo hankeedii ma wuxuu noqday Isbaaro ayaan dhiganayaa Tukaraq, oo dagaal iyo qadiyad toona iguma jirin, maal dhaqasho iyo dano kororsi ayaa i heysay, Dhulbahante afartii jaho ayuu kala garan la’ yahay meel cir iyo dhul ka jiro, oo waxaa la ursiinayaa Hagar Cowl Xamar lagu wadhay, Shillinkiina la dhaafi.
Waxaan shacabka reer Sool kula talinayaa, haddii aad isqabataan inkastaba hala e’kaatee, usula taka Gobolada hareeraha idinka xiga, sida Gobolka Ceyn, Mudug, Nugaal, Haylaan iyo Sanaag. Si ay idiin dhexdhexaadiyaan, ileen idinka Isimadiinii idin dhexgali lahaa Maxjar bay ku jiraan oo mareego ayaa loo kala jeediyey, sidii Adhi baraaar ah Xamar iyo Nairobi, howsha ay Xamar ay ka hayaan waxaa weeye Dowlada Faderalka ah ayey kala taliyaan sidii ay u qabsan laheyd Buulo Barde iyo Baraawe.
Marabo inaan ilaawee, waxaa galad Ilaahey aheyd guushii aan dhiiga iyo dhaawaca toona laheyn ee Tukoraq dib u heshay xoriyadeedii,nabad gelyadeedii iyo xasiloonideedii oo beryo la oof-wareemayey iyo dhalin yaradii naftooda lagu khamaarayey oo hadda qaarkood baraarugeen, waxayna ila tahay guushaasi iney aheyd mid lagu diirsado.(Tukaraq’s mission accomplished).
Waxaan hadalka ku soo koo bayaa Khaatumo quus ayaan ka taaganahay weyna socon weydaye’ yaa ku xiga, yaa kaloo u soo hagooganaya Dhulbahante ama boodh isu soo marinaya, wax haddey socon wayaan waa laga gudbaaye yuu hayaa maal dhaqasho, maanta wuxuu Dhulbahante u baahan yahay Wajiyo cusub, dareen cusub, jiil cusub iyo aragtiyo cusub oo fog dad leh.
W/Qorey Abdirizaka Dalmar.
ajdalmar@gmail.com

Salaan dabadeed kolayba reer khaatumo baad tahay qoraalkaaga maan akhrin waqti badana kuma lumin waayo inaanu macno badan lahayn baan ogahay sababta aan taas u idhina waxaa weeye wxaa tahay mid lid ku ah jiritaanka khaatumo meel kalena bariis ka miista oo bariiskaa aad miisato ayuun baa kaa hadlinaya oo sababay inaan khaatumo wax ka sheegto balse aan kuu bayaamiyee khaatumo cidi wax ka qaadi mayso siiba kuwiina u xuubsiibtay inaad tolkiin wax ka sheegtaan idinkoo meel kale gacan hoorsanaya sida kuwa halkan wax ku soo xariiqa ama websiteka iska leh adna inaadeer waxaan ku odhan lahaa ilaahay haku soo hadeeyo oo ha ku tuso sharafta iyo wanaaga khaatubo dabadhilfnimadana ilaahay hakaa koriyo
wabilaahi tawfiiq
k.k. Haye majertena mad amantid inen cayda tolka ayd shilimad yar kuqadataye. Markalad garan?