Jen. Gaafow oo ku eedeeyay Puntland iyo Somaliland inay ogolaadeen isticmaalka baasaboorka cagaaran

Taliyaha Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ku eedeeyay Maamulada Somaliland iyo Puntland in wali ay ka shaqeynayaan Baasaboorka cagaaran, isagoo sheegay inay ku garabsiinayaan kooxaha dambiyada galay.

Jen. Gaafow oo shalay ka hadlayay Garoonka diyaaradaha, xilli madaxda dowladda ay kormeerayeen xafiisyada garoonka iyo howlaha ka socday ayaa sheegay in Waaxda Socdaalka ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

“Howlaha Waaxda Socdaalka saddexdii bilood ee la soo dhaafay waa ballaarteen, garoonka diyaarado badana ka soo dega, hada waxaa qorsheyneyna in la bilaabo duulimaad habeenki”ayuu yiri Jen. Gaafow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in baasaboorka cagaaran ay mamnuuceen sanadkii 2009-kii, hase ahaatee ay toos u joojiyeen sanadkii 2011, hase ahaatee wali ay jiraan meelo laga isticmaalo.

Jen. Gaafow ayaa sheegay in si weyn ah uu u dhaqan galay Baasaboorka E-Passport oo uu tilmaamay in dal iyo dibada ka fureen xafiisyo laga qaatay.

“Puntland iyo Somaliland wali waxay taakuleynayaan argagixisada sababtoo ah baasaboor cagaaran magaalada loogaga shaqeeyo waa magaalo lagu taakuleeynayo argagixisada, sababtoo ah waxaa qaata baasaboorkan argagixisada, dadka dinbiilayaasha, kuwa baxsadka ah iyo kuwa dadka soo dila,” ayuu yiri Gaafow.

Baasaboorkii hore ee cagaarna ayaa ahaa baasaboorka kaliya ee dalka ka shaqeynayay mudadii bur burka aheyd ee dowladii hore markee dhacday, iyadoo mudadaas looga safrayay dalal badan, hase ahaatee haatan markii dowladdii TFG-da la soo dhisay lagu bedelay baasaboorka E-passport oo haatan dalalka aduunka looga safri karo

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS