Ciidamada dowlada Kenya ayaa gacanta kudhigay labo Nin oo udhashay Dalka Iiraan kuwaa kuwaas oo ay ku eedaysay inay katirsan yihiin Argagaxisada dalkeeda dhibaatada kuhaya.
Ragan udhashay Wadanka Iiraan ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyagoo si gaar ah loogu eedeeyay inay katirsan yihiin Al-shabaab.
Aggrey Adoli oo ah Madaxa Boliiska Dalka Nairobi oo warfidiyeenada lahalay ayaa sheegay in labada qof ee gacanta ay kudhigeen ay rabeen in dalka qaraxyo kafuliyaan lakiin ay kahortageen Ciidamada Amaanka.
Aggrey Adol ayaa hadalkiisa intaas kudaray in labadooda Mid kamid ah uu yahay Madaxda Sare ee Al-shabaab uqaabilsan Dhanka Fulinta Howlgalada Magaalo xeebeedka Mumbasa.
Waxuu sheegay in labadoodaba ay ku xiran yihiin Xabsi kuyaala magaalada Nairobi lalana tiigsan doono sharciga iyo xukunada lagu qaado kooxaha Argagixisada.
Dowlada Kenya ayaa il gaar ah waxaa ay ku eegaysaa dadka Soo galootiga ah iyo kuwa kabaxaya Dalka,maadama ay kubateen Qaraxda sabababaya Dhimashada iyo dhaawaca oo ay gaysanayaan Rag xifiltanka kala dhaxeeyo ee Al-shabaab.