Madaxweyne Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka Dubai ka socda

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay arrinta burcad badeeda iyo in la daraaseeyo xaaladaha hadda taagan, waxaana khudbadda Madaxweynaha oo Afka Carabiga ah ku baxaysay ay u dhacday sida tan.

Dhammaan waad salaamantihin ka qayb galayaasha shirka, Shirkan looga hadlayo la dagaalanka burcad badeeda waxa uu iimaanayaa xilli ay horay u dhaceen laba shir oo caalami ah oo lagu kala qabtay magaalooyinka London iyo Istanbul ee dalalka Ingiriska iyo Turkiga

Shirarkaasi waxaa ka soo baxay go’aanno iyo dardaaran  muhiim ah dowlada Imaaraadkana waxa ay ka qaadatay door lixaad leh si natiijooyinkaasi ay u guuleystaan noqdaana kuwa mira dhala.

Sidoo kale shirkan wax uuu imaanayaa  xilli xasaasi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ka soo fuqday neef weyn oo ku taagneyd uuna helay hawo macaan badan kadib markuu ka xuroobay caburuntii ay ku hayeen Al shabab iyo Al qaacidda  oo ka talinjiray qeyba kamid ah gobaLlada dalka Soomaaliya oo haatan laga saaray

Al shabab iyo Al qaacidda oo argagixiso ah waxa ay sabab u ahaayeen dhibaateynta umadda Soomaaliyeed kuna soo kordhiyay dalka Waxyaabo qilaafsan shareecada Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed  iyo qawaaniinta dowliga ah

Mudanayaal iyo marwooyin waxaan jeclahay in aan halkaan idinkugu sheego bishaaro farxad gelineysa dhamaan ka soo qayb galayaasha shir weynahaan taasi oo timid kadib markii caalamka u soo gurmaday ummadda Soomaaliyeed xilligii ay ku jirtay dhibaatooyinka, haatanna ay ka soo kabanayaan dhibatooyinkii ay reeben abaarihii dalka ku dhuftay. Waxaa soo noqday dhamaan adeegyadii bulshada oo ay ka midyihiin goobihii caafimaadka, xarumihii waxbarashada , adeegyadii korontada iyo biyaha taasi oo ay ka qayb qaateen dowlado saaxiib la ah Soomaaliya iyo hay’ado kale oo xagga samafalka qaabilsan.

Shalay dadkii soo booqday Muqdisho iyo kan maanta yimid isu ma dhigmaan aragtidooda kii maanta yimid waxa uu arki karaa dhismayaal , is abaabul , horumarinta xagga nadaafadda taasi oo markii ay arkeen dowlado badan horumarka Soomaaliya ay hadda ku talo jiraan in ay ka furtaan xarumo ayna kaalin ku yeeshaan horumarka dalka ka soconaya.

Mudane Madaxweyne iyo dhaaman ka soo qayb galayaasha shirka jawiga munaasabka ah ee Muqdisho ka jirta iyo is abaabulka dartii ayay shacabka Soomaaliyeed ugu diyaar garoobeen in ay ka gudbaan marxaladda KMG-nimada ayna u guuraan dowladnimo.

Odoyasha dhaqanka waxay soo xulayaan gudigii dastuurka ansixin lahaa kadibna waxay soo dooran doonaan baarlamaanka Cusub, sidoo kale baarlamaanka ayaa 20 August waxa ay soo dooranayaan madaxweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in laga baxo KMG-nimada, ayagoo kaashanaya beesha caalamka, beesha caalamkana waxa uu shacabku la garab taaganyahay hiil iyo hoo, in xilligan laga gudbo waxa ay u baahantahay juhdi badan.

Gudiga Dastuurka ansixin lahaa waxa ay wax la qaban la’yihiin dhaqaale xumo awgeed, waxaana caalamka ka codsanaynaa in ay fuliyaan balanqaadyadii ay horey u sameeyeen.

Dhanka kale waxaa jirta dadaalo dib u heshiisiinah oo u dhaxeeya Soomaalida dhexdeeda gaar ahaan Somaliland iyo Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, Isbuucii hore Gudiyo labada dhinac ka socda ayaa kulmay, waxa ayna isla meel dhigeen arrimo badan, waxaan jeclahay in kulamadaasi ay sii socdaan heer fiicanna laga gaaro.

Shirarkaasi wada tashiga kadib waxaa bar barsocday shirar looga hadlayay ka gudbidda marxaladda KMG ah iyo in la meel mariyo go’aanada Roadmapka , sida aad ogsoontihiin 22 bishaan shir ayaa waxa uu ka dhacay Nairobi waxaana shirkaasi ka soo baxay go’aano iyo dar daaran oo looga hadlayay waxa ka dambeeya KMG oo ah in ay dhalato dowlad awood leh oo kormeerta nabada iyo xasiloonida , waxaana rabnaa in arrintaasi ay noo hirgesho  bisha Augusta, annagoo tartan xoog leh ugu jirno waqtiga aan haysano

1-      Arrinta amniga, waxaan rabnaa in aan xooga saarno ammaanka oo ah in hubka sharci darrada ah laga arruuriyo kooxaha haysta islamarkaana dhaqan celin loo sameeyo si ay u helaan nolol wanaagsan ayna bulshada dhinac ka raacaan

2-      Awooda dowladda, dowladdu waxa ka go’an in ay ku soo rogto nidaam, kaladambeyn iyo sharciga qaanuunka dhamaan gobollada dalka oo dhan

3-      In la tababaro ciidanka Booliska iyo kuwa nabad sugidda si ay ugu hortagaan argagixisada, burcadda, qaswadayaasha, iyo kuwa danta gaarka leh

4-      Howlaha siyaasadda ee noo harsan waxa ay tahay in la dhaqan geliyo dastuurka lana doorto xubnaha ansixin lahaa dastuurka , baarlamaanka cusub,guddoon baarlamaan iyo doorashada Madaxweynaha iyo in la dhiso hay’ado garsoor oo madax banana.

5-      In la helo nidaam dhaqaale iyo ganacsi oo hufan kuwaasi oo kor u qaada dhaqaalaha dalka lana dagaalamo musuq maasuqa iyo in la helo suuq xor ah anagoo kaashanayna beesha caalamka iyo dowladaha iyo ururada shaqada ku leh dhaqaalaha

6-      Waxaan taagannahay dhamaadkii KMG-nimada waxaana aad u daneynaynaa kobcinta ilaha waxsoo saarka oo aan ula jeedo dadka ka shaqeeya beeraha, kalluumaysiga, farsamooyinka gacanta kuwaasi oo ah horumarka dalka iyo dadka.

 

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS