Shirkii London oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray

Shirkii u dhaxeeyay Maamulka Somaliland iyo Dowladda KMG Soomaaliya ee uga socday duleedka Magaalada London ayaa la soo gaba gabeeyay, kadib labo maalmood wada hadalo u socday Gudiyo kala matalayay.

Shirkan oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen, saxaafadana aad looga ilaaliyay ayaa labada dhinac ka soo saareen qodobo dhowr, oo horu dhac kulamo kale oo gogol xaar u ah, kaasoo dhowaan ay yeelanayaan madaxda labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in labada gudi ay isku raaceen qodobo aan qeyb ka aheyn wada hadalada oo markii hore ahaa in aan lagu soo darin ajandayaasha, kaasoo ahaa arrinta madax banaanida.

Qodobada sida horu dhac ah ay isugu gaareen ayaa waxaa ka mid ah

1-In Labada Madaxweyne ay si dhaqse ah isku arkaan, si ay u sii wadaan wadadan halkan u bilowday

2-In wada hadalada ay sii socdaan, si loo sii ambaqaado lagana mira dhaliyo.

3- In la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda, lagana hortago sunta warshadaha ee maraakiibta shisheeye ku qubayaan xeebaha Soomaaliya.

4-in la sameeyo Qubaro xaga qaanuunka ah oo ay ugu yeertaan labada dhinac xaga la tashiga sharciyada.

5-in ay ka wada shaqeeyaan kaalmada xaga bani’aadanimada si loo gaasiiyo dadka u baahan in beesha
Caalamka ay soo kordhiso kaalmooyinka xaga bani’aadanimada iyo horumarinta.

6-In ay taageersan yihiin sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in aan la soo hadal qaadin arrinta gooni isu taaga, isla markaana qorshuhu aheyn qadiyada Somaliland, isagoo ka gaabsaday in kulamada kale lagu soo qaadayo in in kale

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in xilligan oo wada hadalada ay yihiin kuwo bilow ah aan looga hadleyn arrinta gooni isu taaga, isla markaana looga hadli doono kulamo kale.

Wada hadaladan oo ah kii u horeeyay ee si fool ka fool ah isu soo hor fariistaan labada dhinac tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqday 1991-dii inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale

Jhr.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS