AugustineMahiga oo cambaareeyay dilkii wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Dr. Augustine Mahiga ayaa cambaareeyay dilkii shalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ka mid ahaa baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu tacsi u diray saaxiibada iyo qoyska uu ka dhintay Garweyne, wuxuuna ugu baaqay dowladda in caddaaladda la hor keeno kuwii falka dilka ah ka dambeeyay.

Dr Mahiga ayaa xusay in aan weerrada fuleynimada ah ee ay argagixisadu ka fulineyso Muqdisho aan fursad loo siinin, islamarkaana la sii xoojiyo howlihii amniga lagu xaqiijinayay.

Shalay ayay ahayd markii qarax lagu dilay xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) xilli uu ku sugnaa degmada Xamarweyne, iyadoo walxaha qarxa loogu soo xiray gaari uu watay, waxaana halkaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dadkale.

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS