Boqor Buur-madow oo xalay laga sii daayay Xabsi ku yaal magaalada Hargeysa

Boqor Cusmaan Aw-maxamuud Buur-madow ayaa xalay laga sii daayay Xabsi ku yaal magaalada Hargeysa, kadib markii Maxkamad ay ku xukuntay hal sano xabsi ah.

Boqorka ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne kadib muddo afar bilood ah oo uu ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa dhowaan ku soo oogtay dambi ah in Boqorka uu ku kacay aflagaado madaxweyno iyo dambi qaran, iyadoo Maxkamada markii ay hal sano ku xukuntay cadeysay in xukunka sanadka la iibsan karo.

Sii deyntiisa kadib ayuu Boqor war kooban uu siiyay saxaafada ku sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana uu u mahadcelinayo dhamaan cidii gacan ka geysatay sii deyntiisa.

Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buur-Madow ayaa ka mid ah madax dhaqameedyada caanka ah ee ka soo jeeda Gobolka Waqooyi.

Bishii Maarso ee sanadkan ayay aheyd markii lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli uu ka soo degay, kadib muddo uu dibadaha ku maqnaa.

Jhr.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS