Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay arrimo badan oo ku aadan howl galadii maalmahan ka socday Muqdisho ee lagu qab qabtay boqolaal ruux iyo shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Rome ee Kooxda xiriirka caalamiga ah.
Cali Dheere ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka soo cusboonaadeen qafaal iyo raaf dadka ku nool xaafadaha Muqdisho lagu qab qabanayo, isagoo xusay inay tahay cadaawad gaalada u qabto Muslimiinta iyo in laga beec-mushtaro marka lagu guro xabsiyada.
“Waxaa beryahan soo cusboonaaday fal aad u fowl xun oo Muqdisho ka socdo, qafaalka dadka Muslimiinta lagu haayo, in gaalada ay cadawaaad iyo ciil u qabto, iyagoo aan kala reebeyn Ragg iyo dumar, caruur iyo ciroorle, hadii ay Arday yihiin, xabsiyada ayay ku gurayaan, oo inay ka beec-mushtaraan, ragga ay qab qabtaan ee masaakiintana ku iibsadaan lacag u dhaxeysa 50-ilaa 2000 doolar”ayuu yiri Cali Dheere.
Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in macnaha dadkaas loo qab qabtay ee boqolaalka gaaraya in lagala jeedo inay yihiin in Al-Shabaab ka tirsan yihiin, hase ahaatee ay yihiin dad muslimiin ahlu towiid ah, isku mabda’a ah Mujaahidiinta, isagoo xusay in aanay waxba ka jirin in dadkaas ay yihiin kuwii iyaga la dagaalamayay, balse ay yihiin shacab dan yar ah.
“In Maanta dadkaas laga dhigay sida Ari la iibinayo oo kale, inta meel la isgu geeyay la gadanayo, iyagoo ku tilmaamaya inay yihiin mujaahidiintii la dagaalamayay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mar uu soo hadal qaaday shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Rome ee Kooxda Xiriirka caalamiga ayuu sheegay in lagu cadeeyay wixii dhaqaale ay u bixinayeen ay aheyd in Diimaha Kirishtaanka iyo Muslimiinta inay sinaadaan, waxaana uu si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibada Talyaaniga.
“Gaalo Makrikeeda waa qarsan jirtay, maanta waxay cadeysteen dhaqaalahooda waxay ku bixinayeen, caradii iyo ciilkii heystay waxaa ka soo fakaday inay sheegaan wixii xoolahooda u bixinayeen, waxaa maqleyseen in af cad aan la qarineyn ku yiraahdeen Soomaaliya Dastuurka kufrika waa in ay u sinaadaan Kirishtaanka iyo Muslimiinta, si isla eg, inay isku xaq noqdaan, maanta in Kaniisadaha iyo Masaajidada la la isla dhisan karo, in Soomaaliya wixii loo faaf reebi jitay ay soo baxeyso”ayuu yiri Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay in nin walba mabda’iisa uu cadeystay, isagoo xusay in Dastuurka la wado ujeedkiisa yahay in la beero gaalnimo, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in Muslimiinta ay kacaan, isla markaana la dagaalamo sida uu yiri.
Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in cidii raala ka noqota ama cadeysata aanay mar marsiiyo heli doonin, waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in Soomaali oo dhan meel walba uga soo horjeestaan, isla markaana naf iyo maal ku bixiyaan sidii looga soo horjeesan lahaa Dastuurka.
HJadalka Afhayeenka Shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli Wasiirka Arrimaha Dibada Talyaaniga oo hadal ka jeedinayay shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga uu ka sheegay in Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya ay u sinaadaan dadka Kirishtaanka iyo Muslimiinta
