Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa duqeyn ka geystay fariisimo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku laahen deegaanka Booko oo hoostagta Hoosingow, halkaasi oo qasaaro loogu geystay Al-shabaab.
Duqeymahaasi ayaa la tilmaamay in lagu bartilmaameedsanayay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen tuulada Booko, halkaasi oo lagu bur buriyay gawaari dagaal oo ay kooxdaasi halkaasi kula dhuumaalaysanayeen.
Aadan Xirsi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee jubooyinka ku sugan ayaa wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in duqeyntaasi ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen Booko qasaaro loogu geystay Al-shabaab
Sidoo kale sarkaalka ayaa intaa ku daray in duqeymahani ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay ka warqabaan saraakiisha ciidamada dowladda ujeedaduna ay tahay in la wiiqo awoodda maleeshiyaadkaasi oo dhibaato ba’an ku haya shacabka halkaasi ku dhaqan.
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa maalin ka hor malleeshiyaad ka tirsan kooxda alqaacidda ku dugeeyay degaan ka mid ah Gobolka Gedo waxaana hakaasi lagu guba laba gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo ay ku nafwaayeen dhamaan maleeshiyadkii saarnaa gaadiidkaasi.
Source: SONNA
