Madaxweynaha oo baaqay In La Taageero Dadka aan Wax Haysan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladaha Islaamka iyo Dadka Soomaaliyeed ee wax haysta in ay u gurmadaan walaalahooda  ku dhibaateysan gudaha dalka xilli la gudagalay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wareysi qaas ah siiyay warbaahinta Dowladda ayaa fariin u diray wadamada Islaamka gaar ahaan kuwa Khaliijka oo uu ka dalbaday in ay gacan ka geystaan taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wili ay jiraan raadadkii ay reebeen abaarihii ka dhacay dalka sidaa daraadeedna ay dadku u baahanyihiin in la taageero maadaamada la guda galay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay wadamada Khaliijka taageerada ay u fidiyeen  Ummadda Soomaaliyeed xiligii ay wadanka ka jirtay abaarta.

 

 

SONNA

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS