Madaxweynaha Puntland oo booqday Saado Cali (Sawiro

Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta booqasho ugu tagay fanaanada Caanka ah ee Saado Cali Warsame xili loo soo wareejiya xaafad loogu tal galay in ay dagto kadib markii laga soosaaray cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Saado Cali Warsame ayaa goobta kula hadashay saxaafada waxa ayna xusatay in shilkii ay gashaya ilaahay ka badbaadiyey oo ay caafimaad qabto ayana dhaawacyadii gaaray ay yihiin kuwa fudud oo ilaahay badbaadiyay.

Saado Cali Warsame ayaa xustay in ay ka tirsantahay ergayda loo xulay ansixinta Dastuurka ayna dhawaan u anbabixi doonto magaalada Muqdisho dadka Soomaliyeed meel kasta ay joogaan ay u sheegayso in ay caafimaad qabto oo aysan wel welka badin.

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud oo ku booqaday fanaanada guriga Wasiirada haweenka Puntland ayaa sheegay in illaahaya uga baryayo fanaanada in kasoo kabato dhaawacyda yar yarka ah ee gaaray.

Madaxwaynaha ayaa xusay in maalmo ay ka haratay bixintaanka ergada ee magaalada Muqdisho aadi doona, isla markaana inta maalmahaas ka hartay ay fanaanada joogi doonto magaalda Garoowe ee caasumada Puntland.

saadoGarowe5   saadoGarowe6   saadoGarowe2
 
saadoGarowe3   saadoGarowe1   saadoGarowe4
Booqashadan uu maanta Madaxwaynaha uu ugu tagay fanaanada ayaa waxaa ku wehliyay Madaxwayane kuxigeenka Puntland iyo Wasiiro badan oo kamid ah Xukuumada Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowlaha Hoose C/laahi Axmed Jamac ilka jiir, Wasiirka Maaliyada Farax Cali shire iyo Xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada.

Saado Cali Warsame ayaa malintii shalay kasoo degtay Airpoka Cabdullahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana kasoo anbabaxday Gaalkacyo, shilka gaari ee gashay fanaanada ayaa waxaa ku geeriyooday labo wariye oo fanaanada safarkeeda ku wehliyey.

Horseed Media

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS