Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa waxa uu saxiixay heshiis uu golaha ammaanka dhowaan ansixiyey oo mamnuucaya in laga dhoofiyo dhuxusha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Maraykanka Victoria Nuland ayaa waxa ay sheegtay in mamnuucida dhoofinta dhuxusha ay tahay mid cadaadis lagu sii saarayo ururka Alshabaab oo lacago badan ka soo gala dhoofinta dhuxusha.
“Al-Shabaab ayaa waxa uu yahay mid halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya kadib markii uu diiday in gargaar cunto ah la geeyo dalka Soomaaliya,” ayay Nuland ku sheegtay warsaxaafada loogu talogalay.
Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in lagu kordhiyo cunaqabatenta shaqsiyaadka iyo kooxaha kale ee sameenaya falalka qatarta ku ah nabadda, ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Dhuxusha waxa ay ka mid tahay waxyaabaha sida weyn looga dhoofiyo dalka Soomaaliya, iyadoo dekaddaha ugu badan ee laga dhoofiyo ee dalka ka mid yihiin Kismaayo iyo Baraawe.
Hase yeeshee dhowaan ayaa waxaa ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay la wareegeen gacan ku haynta dekeda Ceelmacaan oo ka mid ahayd dekedaha laga dhoofiyo dhuxusha
Jhr.
