Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas oo sheegay in heer gabo gabo uu marayo Marxalada kala guurka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in heer gabo gabo uu marayo marxalada kala guurka, xilli wax ka yahay 40-cisho ay ka harsan tahay Dowladda KMG ee waqtigeeda sii dhamaanayo, iyadoo loo gudbiyo dowlad rasmi ah.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Telefishinka iyo Idaacada Afka dowladda ku hadasha ayuu C/wali Gaas su’aalooyin uga jawaabayay dhageystayaasha, waxaana uu mar kale muujiyay in Soomaaliya ka bixi doonto xilliga kala guurka ah.

Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in heshiiskii Road Map-ka uu bilow u ahaa qorshaha kala guurka looga baxayo, isagoo xusay in qodobada afarta ee Road Map-ka ay keentay horumaro la taaban karo.

Qodobada Road Map-ka waxaa uu ka koobnaa afar qodob, mid waa Nabadgelyada waxaa socota xoreyntii gobolada, mid waa dowlad wanaaga, dib u heshiisiinta iyo isku xirka gobolada, iyo dhameystirka Dastuurka, qodobadaas meel fiican ayay marayaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo hadal qaaday shirka Odayaasha ayuu tilmaamay in afar cisho kadib la sugayo inay soo gudbiyaan liiska ergada ansixineysa Dastuurka, isagoo xusay in gudiga Farsamada ay Odayaasha dhaqanka ka caawin doonaan shuruudaha la soo buuxinayo ee ergooyinka la soo xulayo.

“Waxaan rajeyneynaa 19-ka bishan in la soo gudbiyo liiska ergada, 21-bishana la fariisto, shirka hadii la helo Kooramka 180-xubnood waa furmi karaa, muddo todobaad ayuu soconaya, waxaa ku xiga xulida baarlamaanka cusub, hada badi magacyada waa la hayaa, waayo odayaasha dhaqanka waa yaqaanaan xubnaha ay soo xulayaan, kadib waxaa la dooranayaan Afhayeenka Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa, waxaa ku xiga doorashada Madaxweynaha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali gaas oo rajo ka muujiyay in sidii loogu tala galay u fuli doono hanaanka Soomaaliya uga baxeyso KMG.

Dadka odorasa siyaasada ayaa xilligan waxay shaki ka qabaan inay qabsoomi weyso doorashada madaxtinimada Soomaaliya iyo inuu fashil ku yimaado geedi socodka nabada Soomaaliya, iyadoo 12-kii bishan uu baaqday shirkii lagu ansixin lahaa Dastuurka

Jhr.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS