Ra’iisul Wasaare Gaas oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen weeraradii lagu qaaday Kaniisadaha Gaarisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyaan weeraradii lagu qaaday Kaniisadaha ku yaal Magaalada Gaarisa, kaasoo ahaa qaraxyo bambaanooyin iyo toogasho.

Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in falal waxashnimo ay ku kaceen Shabaab, isla markaana uu yahay calaamad lagu yaqaan inay dadka aan waxba galabsan ay dhibaatooyin la eegtaan.

“Falalka waxashnimada dalka Kenya ka fuliyeen waa cambaareeynayaa, shalay waxay afduubteen shaqaale sama fal, maantana Gaarisa ayay 10-ruux cibaadeysanayay ku xasuuqeen, waa calaamadoodii lagu yaqaano, sharwadayaasha in dad masaakiin ay eegtaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas oo la hadlay Idaacada BBC-da.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Al-Shabaab markii laga soo ceyriyay Soomaaliya ay bilaabeen inay dalalka deriska dhibaatooyin ka geystaan, isagoo xusay in sida kaliya ee looga hortagi karo ay tahay in la iska kaashado oo wada shaqeyn laga yeesho sida uu yiri.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Magaalada Rome ee dalka talyaaniga uga qeyb galayo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga, kaasoo uu tilmaamay inuu yahay shirka ugu dambeeya ee xilliga kala guruka la qabanayo

Jhr.

dawo kismaayo

Doodii Jubboonyinka Ee Lagu Qabtay London

Shirka wadatashiga Beelaha Reer Waamo ee Nairobi Kenya

Latest News

Popular

Subscribe

© 2012 Codkawaamo.com - All rights reserved. · RSS